Hoostii Daye, Hareertii Ma Dayo W/Q: Cabdiraxmaan Cadami

0
778

In kasta oo Jamhuuriyada Somaliland madaxbanaanideedii la soo noqotay 26 sanadood ka hor hadana wali si buuxda ugama ay mid noqon beesha caalamka. Waxa jira dalal kale oo Somaliland la mid ah oo aan iyaguna aqoonsi helin oo hadana gaadhay horumar balaadhan markii ay la yimaadeen isku kalsooni iyo dadaal dheeraad ah.

1

Waxa laga yaaba in dadka qaar ku doodo in ay dalalkaasi leeyihiin khayraad ka badan khayraadka Somaliland laga helo laakiin aragtida waxa burinaya wadamo ka mid ah kuwa ugu khayraadka badan dunida oo hadana ku jira liiska dalalka ugu saboolsan (poor development is caused by bad policies and institutions) iyo kuwo khayraadka laga helaa aad u kooban yahay sida Botswana iyo Rwanda oo ka mid ah dalalka ugu hodonsan Africa; kaliya waxay nasiib u heleen hogaan fiican iyo madax dhaqaalahooda yar si haboon ugu maamulay.

Tusaalayaashan waxa laga baranaya in dawladuhu isku dhaafaan hadba raga hogaanka ama talada u qabta oo ama hodan ka dhigi kara ama umad faqiira ka dhigi kara. Hadaba xukuumadihii Somaliland soo maray may ay samayn dadaadlkii loo baahna ee shacbigu ka filayey. Hadal kama taagna in dalka nabad buuxda lagu soo dabaalay iyo in la dhisay hay'adihii dawlada iyo nidaam shaqaynaya hase ahaate Somaliland aadbay uga sii dheerayn lahayd halka ay maanta taagan tahay haddii ay heli lahayd hogaan daacad ah oo u heelan (committed) horumarka dalkiisa.

Si kastaba ha ahaate madaxtinimada Siilaanyo ka hor shacbigu wuxuu ku noola rajo iyo in wax kastaba hagaagi doono mustaqbalka waxayse u muuqata in niyad-samidaasi sii gudhayso markii ay arkeen tasarufka madaxdii la doortay iyo sida aanay xilba iskaga saarin daryeelka iyo nolosha bulshada iyo markii ay arkeen wax qabadka xukuumadu ku faanto oo marka la is garab dhigo waxyeeladu ka badan tahay (one step forward two steps backward). Maamul xumada, musuqmaasuq iyo qorshe la'aanta xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay saamayn ku yeelatay shaqadii hay'addaha sharci dejinta iyo garsoorka oo ku milmay hay'addii dhigooda ahayd ee fulinta, waxay saamaysay tayadii xusbiyada qaranka iyo geedi socodkii dimuqraadiyada. Xaga maamulka waxa meesha ka baxay daba galkii, qiimayntii iyo la xisaabtankii masuuliyiinta sar sare iyo saraakiisha dawlada, kaliya xukuumadu waxay xooga saartay la dagaalanka mucaaridka gudaha, kala qaybta bulshada iyo cadaadiska warbaahinta madaxabanaan, cadow kale ma aragto. Xusbiyada qaranku ma koraan waxna uma kordhaan balse way sii saqiirayaan, mid kastaaba waxa uu ku hawlan yahay sidii uu u wiiqi lahaa ka kale ama u fadhataysan lahaa, aragtidooda cadow kale ma jiro.

Qabiil kasta wuxuu ka shaki qabaa qabiilka kale oo uu iska eegaya, ma jiro wada jirkii, midnimadii iyo isku duubnidii dalka lagu xoreeyey ama lagu dhisay. Somaliland dibeda looga iman maayo iyadaa dagaal iskula jirta (Somaliland is at war with itself). Akhriste bal hareerahaaga eeg iyo daruufaha dalka ku xeeran sida dagaalka Yemen iyo sida uu u sameeyey dhaqaalaha dalkeena, hirdanka siyaasada iyo dagaalka kooxaha ee Soomaaliya iyo damaca iyo tartanka dawlada Turkiga iyo qaar ka mid ah dawldaha carabta oo doonaya inay awood iyo galaangal ku yeeshaan arrimaha siyaasada, dhaqaalaha iyo kuwa milatariga ee dawladaha gobolka iyo sida Somaliland hoosteeda ugu tahay mashquul.

Waxay Soomaalidu ku maahmaahda, hoostii daye, hareertii ma dayo. Maahmaah kale ayaa tidhaahda: rag isku qaybay, rag kuma qaybaan.

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami22@gmail.com