Hoggaanka Sare Ee Xisbiga KULMIYE Oo Qaadacay Liiska Loo Sameeyay Golaha Dhexe Ee Cusub

0
703

Picture6Hargeysa (Geeska)-Hoggaanka sare ee Xisbul xaakimka Kulmiye ayaa qaadacay Liisaskii ay soo sareen Shirgudoonkii Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye, waxayna sheegeen in aanay aqbali doonin isla markaana uu yahay wax waxba kama jiraan ah.

Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo ay ka  mid ahayeen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha Guud ee Xisibga Xasan Siciid iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe Jaamac Shabeel oo si wada jir ah Shir Jaraa’id ugu qabtay Shalay Xarunta Xisbigooda, ayaa ugu horeyn Guddoomiiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi waxa uu sharci daro ku tilmaamay Liisaskan ay soo saareen Guddida Shirgudoonku, waxaanu sheegay in aanay xaq u lahayn inay iyagu soo saaraan ama magacaaban, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxaanu Umadda u qeexaynaa warkii ka soo yeedhay Shir-gudoonkii Shirweynihii Saddexaad ee dhamaaday ee Xisbiga Kulmiye, hadal iyo go’aamo ay ka soo daayeen Saxaafadda, oo iyaga ku kooban, waxaana doonaya in aan caddeyo in aanay Sharciga Xisbiga meelna ka waafaqsanayn, qodobadaas ay ka hadleen badankooda, may ahayn go’aamo uu shirku leeyahay, sideedabana Shir-gudoon Shirweyne waxa uu shaqeeya awoodna leeyahay, waa inta Shirka loo fadhiyo, balse marka uu Shirku dhamaado, Shir-gudoon maaha, oo Shirkii uu dhammaaday,  marka ay Shirka gudoominayaana, hawsha ay qabtaan, maaha awood ay Shirka ku leeyihiin, waxa ay ururiyaan go’aamadii, doodihii, isu-duwidii, markii uu Shirkii dhammaaday waxa laga doonayey inay soo ururiyaan go’aamadii Shirweynaha, waxa kale oo aan anigu u ogalaaday ka Guddoomiye ahaan madaama aanay soo hoyon Liistadii Golaha Dhexe inay soo ururiyaan, sida loo raacayo Sharciga Xisbiga sida uu dhigaayo, kadibna ay noo keenaan, dabadeedna aanu hubino in Sharciyadii Xisbiga waafaqsan yahay, khilaafna aanu ka jirin, sidaasna aanu ku bilawdo hawshii Golaha Dhexe, Shirku waxa uu go’aamiyey laba qodob waxa la doortay Guddoomiye , Afar ku xigeen iyo Xoghaye, oo loo codaayey, waxa kale oo Boqol xubnood lagu daray Golaha Dhexe lagu daray, Shirka go’aamo kale oo ka soo baxay, oo dodo kale oo ka dhacay may jirin”.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mar uu ka hadlaayey qodobadan ay soo saareen Shirgudoonkii Shirweynihii Kulmiye ayaa yidhi “Shan Qodob,oo aanu midna Shirkii soo qaadin, ayey ku sheegeen go’aamadoodii, waxa aad mooda in khilaafka Kulmiye soo jiitamayey, haddana dib u bilaamay, waxa loo aaneeya oo la yidhaahda waxa is haya Xisbiga iyo Xukuumadda, waxa aan doonaya in aan caddeeyo in Xukuumadda uu Guddoomiye u yahay, xukuma Madaxweynaha iyo ku xigeenka”

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo isna halkaas ka hadlaya ayaa sheegay in Dastuurku awood u siiyey in Guddoomiyaha Xisbigu awood u leeyahay inuu magacaabo Guddida Fulinta, waxaanu sheegay in aanay sharciga waafaqsanayn Liisaskan ay ku dhawaaqeen Shirgudoonkii Shirweynaha, waxaanu yidhi “Shirweyne kasta marka lagu gudo jiro waxa haga oo hogaamiya, Shir-gudoon la doortay, qabyooyinkii iyo waxyaabihii ka dhinaa Shiweynahaygii ayaa waxa ay keentay inay sii wada shaqeeyaan, in Hogaanka Xisbiga iyo Shirgudoonkii hore ee Golaha Dhexe, si joogto ah ayaanu u wada shaqeeynaynay, waxa u xilsareen oo Guddoomiyahoodu u xilsaaray oo aniga iyo Xoghayuhuna goob joog ka ahayn, Guddoomiye ku xigeenadii kale oo qaar socdaal ku maqan yihiin, qaarna nala joogeen inaay iyagu ururiyaan Liiskii Golaha Dhexe, madaamu aanu Shirweynuhu dhameeystirmin, arintaas si joogto ah ayaanu uga wada shaqeeynaynay, qaarar ayey soo saareen, waxayna yidhaahdeen, Madaxtooyada ayaanu ku qaban lahayn ee Guddoomiyaha ayaa diiday, si xun waxa u sheeg sixir ka daran ayaa hore loo yidhi ee Shalay (Doraad), Guddoomiyihii Shirgudoonka Shirweynaha iyo ku xigeenadiisi, oo Xubin Guddoomiye ku xigeenka kowaadna, ayaanu iskugu nimd Xafiiska Wasiirka Hawlaha Guud iyaga oo ku shiraya, waxa kale oo Doraad aan ugu tagay Xafiiska Wasaaradda Gaashan-dhiga,aniga ayaana si joogto ah arintan ugala shaqeeynayey, waxaanu ku heshiinay Shirkii Golihii Dhexe ee ka aasaasmay, Deegaanadii uu ka soo ururayey waxa uu ku soo ururaayey iyaga, waxayna yidhaahdeen aynu iskugu nimaadno Caawa  Xalaytadii, oo aanu doonaynay in aanu iskugu nimaadno Madaxtooyada, waxa aanu ku nidhi Liiskii Guddoomiyaha iyo Hogaanka Xisbiga wali islamaydaan eegin, ee miyaanay ku fiicnayn, inaynu Liiska isa eegno oo aynu isla dhameeystirno, dabadeedna aynu Madaxweynaha ula tagno, oo aynu Madaxweynaha balan ka qabsano”.

Maxamed Kaahin isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa aanu isla ogalaanay in aanu joojino Shirkaas, Sabtidana aanu isku nimaadno, Nimankii Odeyaasha ahaana qaraar ayey soo saareen, Xisbi waliba, waxa uu ku dhaqmaa Dastuurka uu dhigtay, waxa ay soo saareen Liiskii Ergooyinka, oo Ergo walba Deegaan soo jeediyey, oo Xubnihii Ergada Shirweynaha, Waayeelkii iyo Wax-garadkii Deegaankaasi,xubnihii ay Golaha Dhexe u soo xusheen ayaa la soo saaray, Liiskana dib ayaanu ugu noqon doona, waxaana ku yaala xubno fara badan, oo ay iyagu badaleen, had iyo jeerna dacwad badan ayaa socotay, oo anaga na soo gaadhaysay, iyagana wey soo gaadhaysay, Liis waa Liis ay Deegaan isku soo raacay, oo Wax-garadkii iyo Mudakarkii Xisbigan ay isku soo raaceen, Liiskana waa Liis ay Shaqsiyaad wadaan, oo Qof meel ay wax ugu doonayaan,waxa kale oo halkan ku soo qoreen Liiska Guddida Fulinta oo ay yidhaahdee, waxa ansixiyey Shirweynihii, oo aanay taasi jirin, oo meelna aan lagu soo hadal qaadin, Guddida Fulintana sida uu u abuurmaayo Qodob dhan oo ka tirsan Dastuurka ayaa ka hadlaaya, oo waxa la yidhi Todoba Xubnood oo aan loo codeyn ha lagu kordhiyo, Qodobka 24-aad ee Dastuurka Xisbiga Kulmiye, faqradiisa T, waxa ay ka hadlaysa awooda Guddoomiyaha, waxa uu magaacaba Xoghayayaasha Guddida Fulinta, lacag hayaha iyo Xisaabiyaha, isaga oo ka tilmaan qaadaya Shirweynaha, waxaanu jiheeya Siyaasada Xisbiga, waxa uu Masuul ka yahay Xisbiga, waxaanu Wakiil kaga yahay  Xisbiga Heshiisyada uu Xisbigu galo, Guddida Fulinta cida awooda u leh inuu magacaabo waa Guddoomiyaha Xisbiga, cida ku ogaalata ama ku diida waa Golaha Dhexe, waxa kale oo ay magacaabeen Guddoomiyayaasha Gobolada oo Todoba ah, Shirka Xisbiga ee Gobolka ayaa lagu dooran kara Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha, waxaana sheegaya qodobka 13-aad ee Dastuurka Xisbiga Kulmiye, Madaxweynaha Somaliland isaga ayaa Wasiirada magaacaba, Dastuurka siiyey, Madaxweynayaashii ka horeeyeyna Dastuurka siiyey inay magacabaan, Guddoomiyaha inuu Guddida Fulinta magacaabo Dastuurka siinaya, Shalay Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), isaga ayaa ahaa Guddoomiye Xisbi oo magaacabay Guddida Fulinta, Maantana Muuse Biixi ayaa ah oo magacaabay Guddida Fulinta”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe  ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel oo isna Shirkaas Jara’iid ka hadlay ayaa yidhi “Waxa aan doonaya in aan iftiimiyo khaladaadka ay galeen Shirgudoonku,waxa ay shaaciyeen 364-xubnood oo Golaha Dhexe ah, iyagu waxa ay ahayeen Shirgudoon, Shirweynuhuna waxa uu soo dooranayey 28-xubnood, Golaha Dhexe laba qeybood ayey iskugu jiraan qeybi waa toos, oo waa Dastuuri, oo waa sida Xubnaha Gobolada oo kale oo iyagu is badbadala, qeybina waa qeyb Shirweynuhu doorto, qeybtaas uu Shirweynuhu doorto,oo aanu iyagu is badalin tirada ay sheegaana waxa ay ahayd 280-xubnood, tirada loo keenayeynaa waxa ay ahayd intaas, tirooyinkan ay qoreen, Guddida fulinta ee ay qoreen, Guddoomiyayaasha Gobolada ee ay qoreen, Liisaskan Baarlamaanka ay qoreen shaqadooda may qoreen, waxayna ahayd in Liiska 280-xubnood ee loo keenayo inay Guddoomiyaha Xisbiga u soo gudbiyaan, Guddoomiyaha Xisbiguna marka uu hubiyo inuu ku dhawaaqo wakhtiga uu la isku yeedhayo, markaas ayuu go’aanka ajandihiisi la galaya, lana dooranaya Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga, Shirkan sida aynu wada ognahay waxa uu go’aamiyey laba qodob, hawshan kale ee ay dabasheen waa mid ka baxsan xilkii iyo waajibaadkii ay ku lahayeen Shirweynaha, Xilka Shirgudoonkana waxa sheegaya Qodobka 20-aad ee Dastuurka Xisbiga, meelna kagama jirto, waxaanada mooda in xilalkaas ay magacabeen inay ku takrifaleen, dhibaato iyo mushkilad kale ma jirto, Guddidii Qabanqaabada iyo Shirgudoonkii Shirweaynuhuba waxa ay noqdeen Rag aan khibrad lahayn, dabadeedna ay taladoodii ay fara batay, waxaana is leeyahay khibrad la’aan ayaa labada qoloba halkaas geysay”.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid, ayaa isaguna yidhi,  “Guddidan marka ay hawsha qabatay waxa ay ahayd wixii ka khaldamay waxa ay ahayd inay la soo xidhiidhaan Xafiiska, aniga oo ah Xoghayihii Xisbiga oo xogtii dhan ee Xisbiga aan anigu hayo,ayey ahayd inay na weydiistaan oo ay yidhaahdaan halkaas iyo halkaas maxa ka jira, waxa alaale waxa ay na weydiiyeen ma jirto, noomay imanina, markii hore Amasadoor ayey joogeen markii dambena Xero Milatari ayey la galeen, halkana may iman, waxaana ku jira Shan Qodob oo khalad ah oo aan ka soo bixin Shirweynihii oo ay iyagu ku darseen, oo ay yidhaahdeen, waa naloo igmaday, taasi maaha khalad ee waliba waa Dambi cad, sida Qodobka 24-aad sheegayo Guddoomiyaha Xisbiguna isaga ayaa ah Guddoomiyaha Golaha dhexe iyo Xisbigaba inta laga gaadhayo Shirka Golaha dhexe, isagaana Qodobkaas 24-aad u igmaday inuu soo magacaabo Guddida Fulinta, Guddoomiyuhu uu galaya hawshiisi, waxa uu soo magacaabaya Guddida Fulinta ee Xisbiga, waxaanu horgaynaya Fadhiga ugu horeeya ee Golaha, oo lagu ansixinayaa”.