Hoggaanka KULMIYE Oo Maanta Go’aan Ka Gaadhaya Qaabka Loo Soo Xulayo Ergada Shirweynaha

0
754

Picture5Hargeysa(Geeska)-Hoggaanka xisbiga KULMIYE ayaa la filayaa inay maanta go’aan ka gaadhaan qaabka loo soo xulan doono ergooyinka ka qayb galaya shirweynaha xisbiga oo aan la garanayn wakhti uu qabsoomi doono, maadaama oo uu dhawr goor dib uga dhacay wakhtigii loo qabtay.

Hoggaanka xisbiga oo maanta shir ku yeelanaya xarunta xisbiga, ayaa sida ay wararku sheegayaan waxay go’aan ka gaadhi doonaan kala xulashada dhawr qaab oo ay guddiga qaban qaabadu soo jeediyeen in loo xulo ergooyinka shirweynaha ka qayb geli doona, kuwaas oo ay ugu muhiimsanyihiin in ergada lagu soo xulo beel ahaan iyo in lagu soo xulo saamiga uu xisbigu gobal walba ka helay doorashooyinkii u dambeeyay.

Guddiga qaban qaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE ayaa toddobaadkan dhammaaday dib ugu soo celiyay hoggaanka xisbiga qaabka xulashada ergada shirka, ka dib markii lagu heshiin waayay qaab beeleed ay u diyaariyeen in ergada shirweynaha lagu soo xulo, waxaana qaabka loo xulayo ergada shirweynaha shir ka yeeshay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo ka wada hadlay shirweynaha xisbiga ee dhawrka goor dib u dhacay iyo weliba in deg deg hoggaanka xisbigu u go’aamiyo qaabka loo soo xulanayo ergada shirweynaha ka qayb galaysa.

Sidaas daraadeed, maanta ayaa sida ay wararku sheegayaan ay hoggaanka xisbigu go’aan ka gaadhayaan qaabka ay ergadu noqon doonto.