Hoggaamiyihii Ikhwaanka Masar Iyo Xubno Kale Oo Dil Lagu Xukumay

0
501

Picture5Maxkamada Masar ayaa mar kale dil xukuntay Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Ikhwaanka Masar Maxamed Badeyi iyo 180 maxbuus oo kale.

Maxkamada ayaa sheegtay in sharci ay tahay xukunka dilka ah ee lagu riday maxaabiista Ikhwaanka, wallow ay weli racfaan qaadan karaan sida ay sheegeen qareenadooda.

Maxabiistan ayaa loo heystaa weerar lagu qaaday xarun booliis oo ku taal magaalada Minya bishii Agoosto ee sanadkii hore oo ay ku dhinteen qof rayid ah iyo askari booliis ah.

Dhinaca kale ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay banaanbaxyo rabshado wata oo Jimcihii ka dhacay magaalada Qaahira.