Hogaamiye Mise Siyaasi Qore: Khadar Maxamed-dheere

0
1128

Somaalidii hore markay hogaamiye dhaqan dooranayaan waxay odhan jireen

    "Tol waxaa u talin kara, nin doofaar cay uga dulqaad badan oo kurtin qodax uga adkaysi badan oo dhagax qabow uga adkaysi badan oo kud kude gaajo uga adkaysi badan"

Hogaamiyuhu waxa uu xaqiijiya hiigsiga ummadda uu hogaanka u yahay,

 waxaanu gaadhsiiya waxqabad iyo guulo, hadii si kale u dhigno waa guusha ay gaadho umaddi waxaa gaadhsiiya hogaamiye aragti dheer kan taliya mustqablkeed fog iyo ka dhawaba.

Hogaamiyaha iyo siyaasigu way kala duwan yihiin sida yanu xaga sare ku xusnaye waa gaadhsiiyaha ama xaqiijiyaha hiigsiga umadda astaamaha hogaamiyaha waxaa ka mid ah indheergaradnimo ( visionary), aftahanimo (eloquence) soo jiidasho (charisma) e.t.c.

siyaasadu waa mabaadi aas aasi ah oo dawladi ku dhaqanto ama raacdo si ay u gaadho yoolkeeda mustaqabalka isla markaasna ay ku maaamusho dadka ay xukumeyso si ay u gaadhan nolol wanaagsan.

  Hogaamiyayaasha caalamka soo maray qaraniga 19th waxaan tusaale u soo qaadan karana laba hogaamiye raysal wasaarihii malasia ( Mahatir binu Mohamed) iyo madaxweynihii koonfur africa( Nelsom Mamdela)

Raysal wasaarihii malasiya wuxuu ka mid ahaa dadka ugu cad cad madaxdii wadamada Islamka soo maray, waana mid ka mid ah dadka ugu magaca dheer umadda muslimiinta dhexdooda, waana horumariyihii dhanka dhaqaalaha, waxbarashada, technology ee dalka malasiya.

 Dadka ayaa waxay ku tiriyaan inuu yahay ninka da,yartii dalkiisa intii wax baranaysay u,  kala diray dalalka maraykanka, ingiriiska iyo dalal kale ee caalamka si ay ugu soo shidaal qaatan dhanka wax barashada isla markaana ay dalka ku soo celiyaan waxii ay soo barteen.

Raysal wasaaruhu mar waraysi lala yeeshaye oo la waydiiye wax yaalihii u fudeediyey inuu dalka horumarkaa gaadhsiiyo wax yaaluhu sameeyey waxaa ka mid ah ayuu idhi

 "waxaan arrinta koobaad ka dhignay in la helo daganaasho ku dhisan isa saamixitaan isla markaan aan wada qayb sano khayraadkeena iyo maamulkeena  sidaa ayuu ku kobcay dhaqalaha dalkeenu.

  qodobka labaad waxaa muhiim ah in la helo maamul fiican si loogu hortago is daba marinta, wadanka waxaan ka sameynay haayadaha la dagaalanka musuqa (Anti corruption angacy)

Dalalka muslimiinta qaar badan oo ka mid aha ayaa waxay ku fakiraan in ay helaan madaxweyne ama raysla wasaare Mahatir Binu Mohamed la mid ah maadama uu dalkiisa ka gaadhaye guulo waa weyn.

 Raysal wasaarihii malasiya waa  ninka aan saaxiib quwadeed " Military"  aan laheyn dawaladaha reer galbeed ee inta badan imika caalamka islaamka madaxda ka talisa ay xidhiidhka la leeyihiin, wuxuu odhan jirey hadii aan ka dalbano  tageero ciidan ama mid dhaqale iyaga ayaad hoos iman oo wax ay ku amran ayaad sameyn doonta.

 waxaan rabaa in shacabka dalkaygu waxay raali igaga yihiin aan ku hogaamiyo.

Mahatir Mohamed wuxuu masalsiya ka dhigaye dalalka caalamka ugu dhaqalaha sareeya.

Hogaamiyashaa is bedelka sameeyey ee Africa soo maray waxaa ka mid ahaa

Nelson Mandela waxa uu ahaa mid ka ah hoggaamiyaasha caalamka ee aad ka loo xushmeeyo, kaas oo hoggaamiyay halgankii lagu bedelay nidaamkii midab kala sooca ee koonfur africa.

Isagoo xidhnaa 27sano waxa uu ku soo baxay inuu noqodo madaxweynihii ugu horreeyey ee madaw ah iyo in uu ka ciyaaro door hoggaamineed  nabada iyo isku soo dhaweynta dadkii madawga ahaa iyo cadaankii oo khilaaf ka dhex jirey.

 arrimaha dhinaha caalamka soo jiitey waxaa ka mid ahaa in dareenkiisii 27 sano ee u xidhnaa aan awooddiisa muujin iyo in aanu ka xumaan sidii adkaa ee loola dhaqamaye iyo waliba taariikhadii noloshiisa ee cajiibka ahayed.

 Waxaanu walaaleeyey dadkii madooba iyo cadaankii, dhaqaalaha iyo dimquraadiyada ayuu wax weyn ka qabtey.

Hadaba waxaan somaliland ku soo food leh doorashada madaxtooyada oo 13 Noverber 2017 inoo mudaysan in dalka ka dhacada, somaliland waxay u baahan tahaye hogaamiye ruuxiya oo hamiga iyo hiigsiga 26 sano ee dalku hiigsanayey hir galiya oo bari iyo galbeed somaliland oo dhan ku naalooto kana saara rajo la,aanta iyo siyaada somaliland ee 26sano lagu soo jirey, jeexana dariiq horumar kaabayaasha nololasha oo dhan suurta galiya nolol barwaaqo iyo cadaalad ah oo somaliland oo dhan deeqda.   

     Qore: Khadar Maxamed-dheere

    Email:

Khadar_aar@hotmail.com