Hirdanka KULMIYE iyo WADDANI oo u Jihaystay Dhinaca Baraha Bulshada Cumar Maxamed Faarax

0
985

Waxaan yaqiinsaday in toddobaadyadan u dambeeyay uu si aad isu soo taraysa u kordhay is xajiimaynta, isu baanista, faanka, haaraanka iyo weerarka aan joogsiga lahayn ee facebook ku dhex maraya taageereyaasha labada xisbi ee xafiiltanku ka dhaxeeyo ee KULMIYE iyo WADDANI.

Taageereyaashan qaarkood, waxa siiqada sheekadooda laga dareemayaa reernimo, kuwo kale waxaad garanaysaa inay garaado goys ku yihiin dacaayada. Qaar waxaad dareemaysaa inay dhaqaale ku qabaan hawshan ay hayaan, kuwo kalena waxaad fahmaysaa in cagaha loo geliyay. Waxase jira kuwo isu biyo dhiijinaya si ay kuraas ama xilal uga qabtaan dawlad dhalan doonta.

Dadkan is naqdiyayaa, ma aha taageereyaal iyagu si fool-ka fool ah wax iskaga sheegaya ee mid waliba waxa uu durayaa murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga ka soo horjeeda. Qaarna amaanta Murrashaxa ay janteen, ayay isku hawlayaan inay sida kiniinka u liqsiiyaan dadka badan ee aan siyaasadda sidaasba u sii xaalaynaynin markay ka rajo dhigeen inaanay nolashooda saameyn togan ku yeelanaynin.

Waxaan u fahmay in gulufka aan xabad joojinta lahayn ee ka socda baraha bulshadu uu yahay, mid ajandeyaashiisa lagu soo go’aamiyo xarumaha dhexe ee xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI.

Waxa kaloo aan is weydiiyaa,in ciyaar xumada ka socota facebook, ay ka mid tahay qodobbada sii kala fogeeya hormuudka siyaasiyiinta labada xisbi oo iyaguna aan waxba isu hambaynin saacadaha ay makarafoonka helaan.

Beryahan ma arag kaadir xisbi oo ummada u laqimaya xisbigoodu wuxuu ummada u qabanayo. Waxase aad badan kuwo ku odhanaya dawladnimadu waxay ku xidhan tahay iyadoo xisbigayaga duubka madaxtinimada loo xidho.

Haddaba, miyaanay habboonayn inay hadalka shaandhada innaga mariyaan oo ay innoogu beddelaan inay soo bowsdaan barnaamij siyaasadeedka xisbigoodu diirrada saarayo ee uu ku galayo doorashada, ka dibna inala wadaagaan.

Maxay inoogu mashquulin waayeen inay ka doodaan sicir-bararka, sarrif bararka, gurmadka abaaraha. Maxaynu u arki waynay iyagoo isku faanaya samatobixinta 1.5 Milyan qof oo muwaadiniin ah oo abaartu tabaaleysay?

sida dhaqanka dimuqraadiyada dalkeenna ka jirtaa ina bartay, waxaynu arki doonaa xisbiyahanno badan oo xisbiyadooda ka xanaaqi doona haddii ay geenyada fuulaan siyaasiyiinta ay sida dhiig-baxa ah ugu ololeynayaan.

Ugu dambayn,  waxa  dadka ku xidhan baraha bulshada ee aan ka madaxbannaan xisbiyaddu ay ammaaneen  taageereyaasha xisbiga UCID oo  lagu tilmaamay qaar ka deggan marka loo eego xamaasada labada xisbi ee kale.

 Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com