Hindiya: Maalmo Koobnaa Iyo Mahadhooyinkoodii Qalinkii: C/risaaq Saalax…(Q. 3aad)

0
36

Si aanu wakhti badani iiga lumin, waxa aan isla habeenkiiba ku seexday in aan qorshuhu sidii uu ahaa aan hore ka galo hawsha. Haddiii aanu barri nasano, in aanu saadambe hawlaha caafimaad ee hooyo u bilawno. Wali waxaan ku socdaa oo aan sitaa jadwalkaygii waddankii;  cawadii sariirta horey ka gal, si aad aroortii hawlaha u socodsiiso. Shaw, waa mardhoof iyo xaalkiiye, waxa aan cindigaba iigu jirin, sida uu jadwalkaygaa waddaniga ahi, u shaqayn karo haddii uu laaji noqdo!

Haddii aad ku nooshahay meel, dharaartu laba qaar iyo wax ka badan u qaybsanto, sida Galin hore iyo Galin dambe (hadii la sii kala qaadona; Subax, Barqo, Duhur, Casar iyo Galab)  Hindiya warkaa way ka tagtay! Halkan dharaartu waa calool qudha, oo madax iyo minjo looma oga. Haddii aad shaqooyinka rasmiga ah ku ogayd, in subaxda hore loo dareero, halkan ilaa barqada ay ka gaadhayso barkinta ayaa la buurtaa. 10:30 barqonimo, wax ka horeeya hadduu naf baajinayo, tukaan furan xaasha, inaad heshaa. Waxyaabaha iga yaabiyay waxaa ka mid ahaa, Hindiya maqaaxi qureec lagu iibiyaa waa calaacal timo leh. Wakhtigaas ilaa lixda fiidnimo ayaa ah saacadaha dharaartii la shaqeeyo.

Maskax ahaan, dadka qaarkii aan ku jiro, anfacada saddexda wakhti waxa ay u kala xaddeeyaan wakhtiyada maalintii. Haddii aanan sidii la arki jiray u qadaynin, ilaa fiidka laga gaadhayo – oo xiraadkii ku soo gaadhayo – wali duhur uunbay ii tahay! Haddiiba aad subixii u jarmaadi jirtay hawl kuu taala, markii aad soo fushatana, aad duhurkii hadhimo u soo dheelman jirtay, halkaa taasi kama shaqayso. Kabaha aad subaxii ilatay, waa hubaal inaad habeenkii iska furto.

Hindida qudhooda ayaad ka dareemaysaa, in edegihii maalinta ka dhex weelnaa ay iskaga faruurmeen. Sidaa darteed baa iyadoo ay galab tahay uu kugu salaamayaa, Subax wanaagsan. Ama iyadoo ay habeen tahay lagu odhanayaa ‘Hebel wuu qadaynayaa’!

Saddex casho haddii aanu joognayba Jimcihii noogu horeeyey ayaa noogu soo galay. Waxa aan yeelay sidii aan awalba yeeli jiray jimcayaasha. Aroor horeba, intaan qubaystay, ee Dhar nadiif ah isku taagay ayaan barqoba misgiidkii iigu dhawaa iska xaadiriyay. Maalintaasi khayrkaasay igu dhaaftay. Ehelka intii aad ula socotay hawlahu halka ay hadba noo marayaan, intaa way na toyanayaan, gaar ahaan intii India ama hore u timid ama warkeeda haysay. ‘Maanta maxaa idiin qabsoomay?’ Su’aalaha ay mar walba I waydiinayeen bay ka mid ahaayeen. Maalinba wixii ii qabsooma ayaan haba yaraatee la wadaagayay. Maalintaas waxaan warba ku soo gunaanaday “Maanta waan jimcaystay!” Aad baa la iila yaabay. Walow uu jimcaysigu wax wayn yahay, haddana markii aad wakhtiga kugu daba yar aad ka faa’iidaynaysid way ka duwan tahay. Xeerku waa, hawsha wad, salaadna meesha ay kugu qabato ku xidho.

Isla dharaarahaaba waxaa haddana iigu soo galay Ciiddii carafo. Waligay waa markii iigu horreysay ee aan ku ciido meel dalka ka baxsan. Waligay hore umaan maqal, balse waxyaabaha aad iiga yaabiyay waxaa ka mid ahaa, Hindiya Ciidda carafo loogama ciido sida dunnida oo dhan looga ciido; Dharaarta uu Muslimka adduunku ciidayo, Hindiya way sooman tahay. Maalinta ku xigta ayaa la ciidaa oo la tukadaa. Nin aanu saaxiibo nahay oo hindi ah ayaan waydiiyay, sababta iyaga ka reebtay Xujayda hindida ah ee isla xaramka ku xarmanaya. Waxa iga yaabisay in uu iigu jawaabay, ‘Carabtu Ilaahay ma aha, Noogana wakiil ma aha!’. Togga maahee tarraafka!

Qaar ka mid ah Soomaalida iyo Muslimka kale ee meesha jooga, arintaa way ka biyo diideen. Waxaa igu maqaalo ahayd in ay xarun ay ku tukadaan maalinta dunnida laga ciidayo, balse Hindidu ay sooman tahay ay diyaarsanayeen, markii dambena dawladdu u sheegtay in aan loo ogalaan Karin in ay ciidaan maalin aan ahayn maalinta dalka oo dhan laga ciidayo. Sidii baa la yeelay. Anigu xili horeba, waxaan u labistay salaadka. Waxa uu qorshahaygu ahaa, in aan tago Meel laba kiiloo mitir ii jirta oo aanu ku ballan sanayn niman odayaal ah oo Soomaaliyeed. Nasiibdarrose, waxa ay ahayd subax aad u roobban, oo shuux aan kala go’ lahayni uu da’ayo. Taas badalkeeda, waxa aan horey ka galay, masjid agtayda ahaa.

Waxyaabaha aan aadka ula yaabay waxaa ka mid ahaa; Hindiya, maalinta ay ciidayso uun kagama duwana muslimka kale, basle waxa kale oo ay kaga duwan tahay Salaadda ciidda lafteeda sida looga tukado. Rakcadda hore waa saxdii iyo sidii aan arki jiray, wuxuuse jabku I qabsaday ragcaddii dambe. Markii sujuuddii dambe ee rakcadda hore laga soo kacay ee ragcaddii dambe loo istaagay, si ka duwan sidii aan arki jiray, wadaadkii wuxuu toos u bilaabay akhrinta faatixaddii, halkii uu ikbaartii shanta ahayd kaga bilaabi lahaa (Allahu Akbar… Allahu Akbar… Allahu Abar….). Aniga oo is waydiinaya in ay ilowshiiyo ka tahay iyo in kale, ayuu dhameeyey faatixadii iyo suuradii xigtay.

‘Allahu Akbar!’ haddii uu yidhiba, anigu waxa aan jilbaha cuskaday rukuuc. Haddana ‘Allahu Akbar!’… Shaw Ikbaartii ayaa xagga dambe la mariyay! Markiiba waaniga kor isu taagay. Mid yamani ah, oo garabka aanu isku haynay, isagu ‘Allahu Abkar!’-tii horeba, sujuud buu la hoobtay! Mise waa ka isna kor u isu soo taagay. Ikbaartii markii ay dhamaatay, ayaa la rukuucay, sidaasna salaaddii lagu dhamaystay.

Ciiddu waa tukasho uune, markii aan masaajidkii kabihii ka iladayba, waxa aanu aniga iyo hooyoba toos isugu shubnay Isbitaalkii ay hawlaha caafimaad nooga socdeen. Waayo aragnimada maalinba maalin meesha iiga kordhaysay bay ka mid ahayd; Ninkaygii shalay Jimcaystay, maanta waa kaa tiiyoo Ciiddii ka waynayd ay tahay hawlihiisa wata!

 

La Soco……

Abdirasak Salah

Borama, Awdal.

Contact

0634466677

Abdirasaksalah@gmail.com