Hindi Ay Daanyeerro Dileen Iyo Sida Ay U Dileen Oo Aan Maskaxda Hore Ugu Soo Dhacay

39
4169

Delhi (Geeska)- Dhacdo la yaab dad badan ku noqotay ayaa ay ahayd markii koox daanyeerro ahi ay dhowaan dileen oday u dhashay dalka Hindiya. Dilka oo dad badan cabsi geliyey marka laga yimaaddo waxaa iyaduna dadka dareenkooda si gaar ah u soo jiitay qaabka ay daanyeerradani dilka u geysteen oo lagu tilmaamay mid u eeg malo-awaal laakiin xaqiiq ahaa.

Daha Ambaal Seing oo 72 sano jir ah, ayaa isaga oo xaabaysanaya waxaa shiid hadhka kaga dhigay koox daanyeerro ah oo qaarkood ay dhagaxaan waaweyn ka soo tuurayaan dhirta uu ka hoos xaabaysanayo dusheeda.

Sida ay ku warrantay shabakadda wararka ee Sky News, khamiistii toddobaadkii hore ayaa ay dhacdadan xanuunka badani ka dhacday degmada Takri, ee gobalka Uttar Pradesh.

Dhinaca kalana wargeyska Times of India ayaa isna booliiska ka soo xigtay in daanyeerradani ay dhagaxaanta ka soo urursanayeen dhisme burburay oo ku dhowaa goobta, kaddibna iyaga oo rax-raxan ah ay hadba qayb dhirta dusheeda u baxaysay si ay odayga dhagaxa ula dhacaan.

Daha Ambaal oo dhaawacyo waaweyn ka qaba madaxa iyo laabta ayaa nolol lagu soo gaadhay, laakiin waqti gaaban kaddib ayaa uu ku geeriyooday cisbitaalkii loola cararay. Marar kala duwan ayaa dadka reer baadiyaha ah ee deegaankani waxa ay dawladdooda uga soo cawdeen falal cadaawadeed ay dadka kula kacayaan daanyeerrada oo aad dhulkan ugu badan. Laakiin daanyeerka cidi ma disho oo waxaa jira sharci dawladdu hore uga soo saartay oo mamnuucaya in la waxyeelleeyo, kaddib markii la ogaaday in uu daanyeerka dalkaasi dabargo’ ku sii socdo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here