Hindhiso Sababtay Dhego Beel: Khatarta Caabbiga Xooggan Ee Hindhisada Iyo Taxaddarka Ku Habboon

0
849

ddddManama (Geeska)- Muwaadin u dhashay dalka Baxrayn oo da’da lixdanaadka ku jira ayaa dhego beelay kadib markii hindhiso aad u xooggan oo uu hindhisay ay sababtay in biyo ay ku faruurmeen dhegta qaybteeda gudaha.

Wargeyska Al-Ayaam eek a soo baxa dalka Baxrayn oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa baahiyey in ninkan odayga ah lagu sameeyey qalniin weyn oo dhegta lagaga xidhayey biyaha ku soo liigay, kadib markii uu la xidhiidhay cisbitaalka isaga oo aan dhegaha waxba ka maqlahayn. Dr. Axmed Jamaal oo ku takhasusay cudurrada sanka, dhegaha iyo dhuunta kana tirsan cisbitaal jaamacadeed oo ku yaalla dalka Baxrayn ayaa wargeyska Al-Ayaam u sheegay in bukaankan u yimid isaga oo dhego la’ ay ku sameeyeen qalniin ay dhegta hoose ku soo sifeeyeen kana xidheen biyaha ku soo furmay. Dhakhtarku waxa uu sheegay in dhego la’aanta ay ninkan u dheerayd madax xanuun iyo dawakhaad aanu mar keliya ka nasanayn.

Dr. Axmed Jamaal waxa uu sheegay in hindhiso aad u xooggan oo uu ninkani hindhisay ay sababtay in uu qarxo ama dillaaco xuubka dhegta hoose ka celinayey biyahan, taasina ay keentay in biyo ku furmaan iyo xanuun badan. Digtoorku waxa uu sheegay in xuubka dillaacay ay ku kabeen xuub kale oo ay isla dhegta bukaankan ka soo gooyeen, markii qalniinu dhammaadayna la dareemay in xaaladda maqalkiisu soo noqonayso, dawakhaaddii badnaydna ka yaraatay oo haatan uu si isu dheelli tiran u istaagi karayo.

Baadhitaanno caafimaad oo hore loo sameeyey ayaa muujinaya in xaaladdan oo kale ay marar badan dhacdo, inta badanna la arko in boqolkiiba 40 dadka ay ku dhacdaa ay dhegtu dib isu daweyso oo iyaga oo aan dhakhtar tegin ay dabiici ku soo noqdaan, laakiin daraasaddu waxa ay hoosta ka xariiqday in haddii qofka xaaladdan oo kale isku arkaa aanu dhakhso dhakhtar ula xidhiidhin daweyn fiicanna helin ay khatar ku tahay boqolkiiba 40 dadka ay ku dhacdo, iyada oo ugu yaraan boqolkiiba 20 dadkan ka mid ahna lagu arko dhego la’aan in ay ku keento xaaladdani.

ddddWaxaa iyaduna dhacda in qofku uu marmarka qaarkood si kedis ah muddo ilbidhiqsiyo ama daqiiqado ah dareenka maqalka isaga waayo, laakiin xaaladdan iyada sababteeda cilmiga ah weli lama garan, in kasta oo uu jiro dareen ah in ay keenaan xaalado la xidhiidha diiqadda iyo culays saaran neerfayaasha.

Si kastaba ha ahaato ee waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in qofku aanu hindhisada isku celin iyo sidoo kale in aanu ku itaalsan oo ay fiican tahay in uu isku dayo in uu xakameeyo xubnihiisa ay ka mid yihiin dhegaha iyo indhaha oo marar hore la sheegay in la arkay xaalado ay qofka labada indhoodba dibadda uga soo dhaceen xilli uu si xoog ah u hindhisay.