Hillary Clinton Oo Sheegtay Inay Ka Fikirayso Inay Ka Mid Noqoto Murashixiinta Dimuqradiga Ee 2016

0
589

Picture3Washington(Geeska/W.Wararka)-Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton, ayaa sheegtay inay ka baaraan degayso inay ka mid noqoto murashixiinta xisbiga Dimuqraadiga u meteli doonta doorashada wadankaas ee sannadka 2016.

Hillary Clinton, oo ay dad badani aaminsanyihiin inay ku guulaysan doonto murashaxnimada xisbiga dimuqraadiga haddii ay tartanka ka qayb gasho ayaa waxa la weydiiyay bal in qorshaheedu yahay inay isa soo sharaxdo, waxaanay tidhi, “Runtii waan ka fikirayaa arrintaas, waanan sii wadayaa inaan ka baaraan dego xoogay.” Sidaas ayay ka tidhi shir ka dhacay San Francisco, waxaanay intaas raacisay,, “go’aankayga waad arki doontaan oo waan ka fikirayaa waanan u tallo badsanayaa, waayo hadda noloshayda gaarka ah ayaan ku jiraa.” Sidaas ayay raacisay haweenaydani.

Hillary Clinton ayaa waxa tartankii hore kagaga guulaysay Madaxweyne Barak Obama oo uu tartan adagi ku dhex maray murashaxnimada xisbiga dimuqraadiga Maraykanka, waxaanu markii dambe u magacaabay xoghayaha arrimaha dibadda, iyadoo xilkaas haysay shantii sannadood ee xilliga Barak Obama.