Hillary Clinton Oo Ka Hadashay Guuldaradeedii Iyo Jawaabta Trump

0
473

Waraysigii u horeeyey ee ku saabsan doorashadii sanadkii hore ka dhacdey Maraykanka oo ay bixisey Musharixii Dimoqraadiga ee laga guuleystey Hillary Clinton ayey sheegtey in guudlaradeedi ay sababtey FBI iyo Ruushka oo u dhacay emailkeeda una gudbiyey xogtii ku jirtey Wikileaks.

“Waxaan ahaa magaca sanduuqa codbixinta. Waxaanan ka warqabin khasaaraha imaan kara. Waxaan aad iyo aad ugu hanweynaa ololahaygi, kaas oo aan ahayn mid sidii la rabey u wanaagsanaa, laakiin waxaan caddeyn karaa in guuldarada ay sababeen (Agaasimaha FBI) Jim Comey iyo WikiLeaks, Ruushka oo ay nidar wada galeen si ay u abuuraan aamin darro dadka aniga ii codeyn lahaa ee i taageersanaa.” ayey tiri Hillary Clinton oo wareysi siisey weriyaha CNN Christiane Amanpour.

Hillary oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi “haddii doorashadu dhici lahay 27 Oktoobar aniga ayaa noqon lahaa Madaxweynihiina, taas oo ku beegneyd maalin ka hor marka Agaasimaha FBI uu warqadda u direy Aqalka Senate-ka oo uu sheegay in ay heleen xog kale oo cusub oo la xiriirta emailkii sida gaarka ah ay u isticmaashey Hillary, waxaana si weyn uga faa’ideystey ninka guuleystey Trump oo markii hore xaalku ku xumaa.”

Donald Trump ayaa markiiba bartiisa twitterka kaga jawaabay hadalka Hillary Clinton, waxaanu sheegay in Agaasimah FBI uu ixsaan u sameeyey Hillary, kadib markii uu cafiyey, sidoo kale wuxuu sheegay in warka Trump/Russia uu yahay cudur daar Dimoqraadigu isku dayaayo in ay ku qariyaan guuldaradoodi. “Arrinta Trump iyo Ruushku waa wax dimuqraadiyiintu  cudur daar uga dhigayaan doorashadii ay waayeen.” ayuu yidhi, waxaanu sheegay inuu sameeyay olole xoog badan oo guushiisa sababay.