“Heshiiska Madaxweynaha Iyo Khaatumo Heshiis Maaha, Waa Soo Jeedin”

25
3172

Guddoomiyaha golaha guurtida

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa heshiiska ay wada gaadheen xukuumada Somaliland iyo Khaatumo ku tilmaamay mid aan rasmi ahayn oo u baahan in golayaasha qaranka la soo mariyo si ay u ansaxiyaan amma u diidaan.

Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa xildhibaanada golaha guurtida ku canaantay in aanay go’aanka ay wada gaadheen labada dhinac aanay u dhigin inuu yahay heshiis rasmi ah, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Heshiiskan madaxweynaha iyo Khaatumo ee aad ku wada riiqateen arintaasi hadda waxay joogtaa madaxweynaha iyo Cali Khaliif; heshiis maaha, waa soo jeedin ha soo gudubto, waa inay labada goleba martaa  oo ay ansaxiyaan markaas ayay heshiis qaran noqonaysaa, ha ku riiqanina ee halasoo gudbiyo oo nidaamkeeda ha soo qaadato markaas ayaynu waxii laynooga baahan yahay ka qabanaynaa.”

Xukuumada wakhtigeedu uu sii dhamaanayo ee madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa heshiis dhinacyo badan taabanaya la saxeexatay hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh kaas oo aan wali la horgayn labada gole.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here