Heshiiska DP World: Tallo Ku Socota Xildhibaanada Wakiilada W.Q Iid Xasan Aw Muuse, murashax wakiilada ah

0
731

Ka dib heshiiskii Xukuumadda Somaliland ee madaxwayne Siilanyo la saxeexatay shirkada laga leeyahay dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) ee DP World waxa isasoo taraya oo saaxafada iyo bar kulanka bulshada ba lagu falanqaynayaa heshiiskaas.

Eiid

Badanka falanqayntaas iyo faalayntaasi maaha mid dhex-dhexaad ah oo muwaadin walba falanqayntiisu, mid aqoonyahana iyo mid fadhi ku diriraba, waxa ay ku dherersantay muxaafid-nimmo iyo mucaarid-nimmo.

Hadaba waxa aan rabbaa in xildhibaanada golaha wakiilada JSL, oo ah kuwa shaqadoodu ay tahay in ay heshiiskan umadda ka eegan, u iftiimiyo 2ba ariimood oo heshiiskan ku xeeran.

1. Shirkada Fransiiska ah ee Bolloré iyo Dekedda Berbera

Ugu horayn xildhibaanada golaha wakiiladu waa in ay ogaadaan in ay jirtay shirkad muddo 10 sanadood ka badan daba socotay amma danaynaysay maal-gashiga dekedda Berbera oo muddo badan kusoo noq-noqotay dalkeena, qadiyada dalkeenana u heelanayd in ay adduunka inoola iib-gayso oo waxa ay marti-qaad rasmiya madaxwaynaheena Siilanyo uga keeneen dawlada Fransiiska oo uu booqasho ku taggay bishii January 2014-kii isla markaana la kulmay wasiirka ariimaha dibada ee dalkaas iyo waliba la-taliyaha madaxwaynaha Fransiiska ee qaarada Afrika.

Waxa kaloo muhiim ah in aad ogaataan mudanayaal, in hanta qaran (kharash) lagu bixiyay talo raadsi ku aadan qorshaha shirkada Bolloré u haysay dekeddeena Berbera oo shirkad Ingiriis ah oo xagga sharciyada takhasuus ku leh (Law Firm) oo la yidhahdo McCue & Partners xukuumadeenu kiraysatay ilaa imikana umadda Somaliland war ka haynin tallo bixintii McCue & Partners usoo gudbiyeen xukuumadu waxa ay noqotay.

2. Shirkada DP World iyo danaynteeda dekedda Berbera

Shirkada DP World maaha shirkad private ah ee waa mid ay dawlada Cimaaraat-ku (UAE) leedahay, siiba Dubai. Danaynta DP World ee Berbera waxa ay bilaabantay bilawgii sanadkii 2014-ka ka dib markii shirkadii Bolloré madaxwaynaheena geeyeen dalka Fransiiska isla markaana loo dhaqaaqay in qorshaha maal-gashi ee ay Berbera u hayaan hoos loo eego oo khuburo lala raadsado.

Waxa la odhan karaa shirkada DP World waxa Berbera kusoo jeediyay-ba waa shirkada Bolloré waayo wakhtigii ay Djibouti maal-gashanaysay 2003-dii, dekedda Berbera way jirtay oo waliba isticmaalka Ethiopia wakhtigaas ayeey uga badnayd.

Waxa kaloo jirta qadiyada dalkeena Somaliland iyo guud ahaan dalalka Carabtu aragtidoodu in aanay ahayn 2ba isgarab sada, dalka Cimaaraadka Carabtuna (UAE) marnaba dhex-dhexaad kamuu noqon qadiyadeena oo 2012-kii, iyadoo wafti uu hogaaminayo madaxwayne Siilanyo ku suganyay Dubai, ayaa waxa uu wasiir-ul-dawlaha ariimaha dibada ee dalkaasi tilmaamay in wada-hadalka Somaliland iyo Somalia yahay qorshe ay kaga shaqaynayaan midnimadii dalka ay iyagu u yaqaanaan Somalia.

Hadaba waxa iswaydiin mudan sababta keentay in aynu ka doorano DP World shirkadii Bolloré ee qadiyada dalkeena u heelanayd ee diyaarka la ahayd kharashka la mid ka ah kan ay leeyihiin waanu galinaynaa dekedda?

Uruurin iyo tallo

Horta warka muhiim ka ahi wuxu yahay in wasiirka ariimaha dibadu sheegay in shirkad xagga sharicga ahi (Law Firm) ka eegi doonto heshiiskan dhex-maray DP World iyo dalkeena. Hadaba waxa lagama maarmaan ah, oo aan xildhibaanada golaha wakiilada JSL kula talinayaa, in ay xukuumadda waydiistaan in waraaqaha heshiiska soo raaciyaan nuqul-ka tallada ah ee ay looyaradu ka bixin doonaan heshiiska laftigiisa haddii aanu diyaar ahayn wakhtiga golaha heshiiska la horkeenana ay ku adkaystaan in ay sugaan talladaas looyarada.

Waxa kaloo golaha masuuliyadiisa ah in uu umadda iyo Qaranka Somaliland ka hubiyo in shirkada DP World cid kale saxeex ka doonatay si ay u hantidu dekeddena Berbera maadaama ay kasoo jeedo dal aan dhex-dhexaad ka ahayn qadiyada Qaranimmo ee dalkeena.

Ugu dambayn waxa aan xildhibaanada golaha wakiilada usoo jeedinayaa in ay heshiiskan ku daran, haddii ay ku qancaan intiisa hore, inta ay xukuumadeenu garan wayday amma uurka ugu jirin ee muujinta qaranimadeena iyo jiritaanka dalkeena ah maadaama ganacsi iyo siyaasadi sinaba u kala hadhin:

• In dawlada Cimaaraad-ku safaarad amma xafiis xidhiidh-ganacsi (Trade Office) ka furato dalkeena Somaliland

• In ganacsatadeenu ku tagto Dubai passport-ka Somaliland
• In ardaydeena loo fasaxo jaamacadaha UAE iyagoo ku dhiganaya passport-ka Somaliland
• In dadka reer Somaliland ee UAE daggan loo oggolaado qaadashada passport-ka Somaliland

Iid Xasan Aw Muuse,
Musharax golaha wakiilada JSL iidsl@hotmail.com