Henrikh Mkhitaryan Oo Go’aansaday Inuu Ka Tago Man United

151
18442

Warbaahinta gudaha dalka talyaaniga ayaa waxay daboolka ka qaadeen in kooxda Inter Milan ay si xoogan u xiiseeneyso lasoo wareegida laacibka reer Armenia Henrikh Mkhitaryan, kadib marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha January ee soo aadan.

Henrikh Mkhitaryan ayaa ku qaadanaya xili ciyaareedkan garoonka Old Trafford xaalad aan wanaagsaneen, kadib markii uu bilawgii sanad ciyaareedkan uu ku bilaawday qaab cajiib ah, laakiin si lama filan ah ayuu hoos u dhac weyn ugu yimid qaab ciyaareedkiisa, taaasoo ku qasabtay in  macalinka reer Portugal Jose Mourinho uu ugu dambeyn ka saaro safka kooxdiisa kulamadii dhawaa ee lasoo dhaafay ay Red Devils ka ciyaaartay tartamada kala duwan.Lakiin Henrikh Mkhitaryan ayaa lasoo warinayaa inuu si rasmi ah u go’aansaday ka dhaqaaqista garoonka Old Trafford suuqa furmi doonaa bisha maalmo yar ee kooban ka hadhsan ee January, si uu u helo koox uu si joogta ah kaga soo muuqan karo kahor koobka aduunka sanada 2018 ka dhici doono dalka Russia.Dhinaca kale wargeyska reer Italy ee “Corriere dello Sport” ayaa wuxuu xaqiijinayaa in Inter Milan ay si xoogan u xiiseeneyso dib ugu laabashada suuqa kala iibsiga, iyadoo Henrikh Mkhitaryan uu yahay xidigaha hogaaminaya saxiixyada ay baadi goobka ugu jirto.Inter ayaana dooneysa inay saxiixa xidiga khadka dhexe ee reer Armenia ay ku hir galiso bisha Janaayo in Manchester United ay kaga qaadato heshiis hal xili ciyaareed ee amaah, iyadoo hadii uu qanciyo adeegiisa ay dooneyso inay dhameystirto heshiiskiisa xili ciyaareedka kale ee xiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here