Hello Madaxweyne; Maxaad kaga jawaabi Dhawaaqa Ban Ki Moon?

0
588

Picture2Hargeysa(Geeska)-Horaantii bishan March, wuxuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon, golaha ammaanka u gudbiyay warbixintiisa saddex biloodlaha ah ee uu kaga xog-waramo xaaladaha Somaliland iyo Somaliya.

Warbixintan u dambaysay oo golaha ammaanka loo akhryey, toddobaadkii horena uu Wargeyska Geeska Afrika baahiyay intii Somaliland khusaysay, waxa doorkan laga dareemayaa culayska weedhaha uu u adeegsaday Somaliland iyo heerka la gaadhsiiyay xifiltanka gudaha ee muxaafidka iyo mucaaradka Somaliland. Wuxuu golaha ammaanka u sheegay inuu ka sii darayo khilaafka iyo muranada u dhexeeya mucaaradka iyo dawladda Somaliland.  “Somaliland, xidhiidhka u dhexeeya dawladda iyo mucaaradku wuu sii xumaaday.” Ayuu ku yidhi warbixintiisa, waxaanu isagoo si gaar ah u soo qaadanaya xisbiga UCID, uu yidhi  “Xisbiga UCID waxay ku sheegteen in loo diiday xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo ogolaanshaha inay qabsadaan bannaan baxyo salmi ah oo lagaga soo horjeedo dawladda. Halka guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu ku dhawaaqay inuu taageersanyahay qabashada shir dood qaran ah, sida ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradku.” Sidaas ayuu ku yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay warbixintiisa, qaybta uu kaga hadlay Somaliland.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi,  “18 December, wada hadalo ay yeesheen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiye Ciro, ayaa dhalay in heshiis laga gaadho qabashada shirka, iyadoo lagu wareejiyay inuu dhinac dhexdhexaad ahi guddoomiyo.”

Warbixintan waxa ka muuqata oo laga dheehan karaa laba qodob. Qodobka koowaad, wuxuu inoo sheegayaa sida looga war hayo iyo heerka la gaadhsiin karo xifiltanka iyo is-mariwaaga u dhexeeya siyaasiyiinta Somaliland ee siyaasadda isku qardoofa. Waxaad qiyaastaa in muranadii maxaliga ahaa la gaadhsiiyay golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ah hay’adda dunida ugu awoodda badan. Saamayn weyn oo togan ama tabanna ku yeelata siyaasadaha dibadda iyo sumcadda diblumaasiyadeed ee dalalka.

Qodobka labaad ee warbixinta laga dhadhansan karaana, waxa weeye sida uu yahay xidhiidhka dawladda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradku. Warbixintu waxay tilmaamaysaa  in xidhiidhkii xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland uu ka sii darayo, taas oo loo arki karo in khilaafkoodu sababi karo inay xaaladu si fudud faraha uga baxdo. Waxa laga dheehan karaa inaanay haba yaraato ee wax-wada shaqayn ahi ka dhex jirin labada dhinac islamarkaana uu dhinacba dhinaca kale mindiyaha u soofaysanayo.

Marka ay sidaas tahay, Mudane madaxweyne maadaama oo aad wakhtigan hayso mindida daabkeeda, waxa lagaaga baahanyahay inaad garwaaqsato xaqa iyo awoodda xisbiyada mucaaradka, maadaama oo ay yihiin hay’ado sharci ah oo uu distoorku ogolyahay, kuna soo baxay cod dadweyne. Waxa lagaaga baahanayahay inaad si cad u beeniso warbixinta Qaramada Midoobay oo aad weliba ficil ku muujiso in wada shaqayni ka dhaxayso xukuumaddaada iyo xisbiyada mucaaradka.

Sidoo kale xisbiyada mucaaradka,waxa iyagana dhinacooda looga fadhiyaa inay muujiyaan wadaniyad oo ay xukuumadda la yeeshaan wada shaqayn si aanay danaha siyaasiga ahi u lumin danta guud ee qaranka.

Madaxweyne, si gaar ah waxa loo baahanyahay in ka hor warbixinta dambe ee uu Ban Ki Moon u gudbinayo golaha ammaanka aad soo celiso wada shaqaynta iyo xidhiidhka xisbiyada mucaaradka, taas oo meesha ka saari karta in warbixinta dambe uu xoghayaha guud ee qaramada midoobay dabka ku sii shido xaaladda, dunidana u tuso in dawladii iyo xisbiyadii mucaaradku ay is haystaan.