Hello; Madaxweyne; Geeska Afrika Staff writer

0
971

Madaxweyne, waxa muuqata in wadanku uu mar kale lugaha la galayo murano siyaasadeed oo haddii ay sii socdaan saamayn ku yeelan kara guud ahaan qaranka.

Muranadaas siyaasadeed waxa koow ka ah shirkii doodda qaran ee la soo weriyay inaad qabashadeeda ka aqbashay guddoomiyaha Guurtida Md. Saleban Maxamuud Aaden iyo Xaaji Cabdiwaraabe, ajiibidaas oo sababtay in xisbigaaga KULMIYE labada xisbi mucaarad la soo gunaanado arrimihii doodaas khuseeyay iyo qabashadeeda oo la isku raacay inay noqoto Akademiyada nabadda iyo horumarka. Madaxweyne ajiibida doodaas qaran oo marka horeba ay xukuumadaadu macno badan u yeeshay waxay kuu soo jiiday ammaan salkeedu yahay inaad ugu dambayn odaytinimo muujisay, maadaama oo aad qaranka hoggaamiso. Waxase yaab noqotaay in maalin ka dib ay madaxtooyada iyo xisbiga KULMIYE ka soo yeedhaan warar murankii siyaasadeed halkiisii dib ugu celiyay.

Khilaafka ka dhex taagan shirguddoonka golaha wakiilada oo gaadhay in  la isula tago maxkamadda sare ee distooriga ah ayaa isna ah mawduuc xaasaasi ah. Waxaana la aaminsanyahay inay madaxtooyadu dabada ka riixayso khilaafkaas shirguddoonka oo ka dhashay isku shaandhaynta lagu sameeyay guddi hoosaayada golaha wakiilada oo markii xisbiga KULMIYE hoggaamintooda lagaga guulaystay af labadii la isu yeedhiyay dhiilo siyaasadeed.

Waxa intaas raaca wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya oo u muuqda inay geed sare ku laalmeen. Inta la ogyahayna dhawr jeer ayay wada hadaladii dib ugga dhaceen wakhtiyadii loo qorsheeyay, waxaanay xkuumadaadu ku sababaysay dawladda Somaliya oo ay qalalaase ku socdaan, laakiin Somaliya iyo Turkiga midna wax war ah lagama hayo ee doodaas waxa qabtay xukuumadaada, waxaana muuqata in sidii ay siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ahi ka digayeen ay wax khaldameen.

Picture5Magaalada Burco waxa shalay ka dhacay dibad bax khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed gaystay, waana dareenkii qabyaaladeed oo u muuqda inuu dib ugu soo noqday magaaladii Burco oo u muuqatay inay ka soo bogsanayso. Mudaharaadka iyo khasaaraha waxa sababay taliyihii Booliska qaybta gobalka Togdheer oo la bedelay, kaas oo beesha galbeedka Burco ay tirsanayso in laga tirtirayo saamigii ay gobalka ku lahaayeen.

Magaalada Berbera waxa iyana shalay ka jiray mudaharaad dadweyne oo ka dhashay xarunta Net-fish ee Berbera oo la sheegay in laga iibiyay shirkad gaar ah. Mudaharaadka oo aan wax khasaar ah gaysanin, waa dareen dadweyne oo huursan, kaas oo markasta ay suurtogal tahay inuu banaanka u soo baxo sida mudaharaadkii shalay ee Burco.

Arrimahan waxa ka sii horeeyay kuwo kale oo aan weli daawo loo helin, laakiin wakhtigan qodobadan  kuwo dalka dushiisa ka muuqda oo laga dareemayo, haddii ay sii socdaana waxay keeni karaan dakharo intaas ka sii badan. Sidaas daraadeed Mudane Madaxweyne waxa waajib kugu ah inaad dejiso qorsheyaal aad ku furdaaminayso qulqulatooyinkan. Madaxweynoow waxaanu ku leenahay wadankii waxa ka jira qulqulatooyin  badan oo siyaasadeed oo ay damintooda ku xidhantahay hoggaamintaada. Haddii ay sii socdaan waxay leeyihiin halistooda, haddiise aad halkaas ku damiso waa dab hurayay oo aad qarankan ka damisay.