“Hebel Waa Mucaarad Ee Internetka Ka Jara, Adigana Internetkaaga La Gashan Maayo, Haddii Isgaadhsiintu Ay Cid U Adeegto, Isgaadhsiin Kale Ayaa La Samayn Doonaa”

0
683

Picture6Hargeysa(Geeska)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Siiro), ayaa shirkadaha is gaadhsiinta ku dhaliilay sida ay dadka qaar uga xayiraan internetka iyo telefoonada, isaga oo sheegay in shacbigu uu ka jawaabi doono sida arimahooda loo faro galiyay.

Sida oo kale waxa uu xukuumadda ugu baaqay in ay dulqaad u yeelato arimaha dalka ka dhacaaya, isla markaasna aan dadka laga hor joogsan xoriyada hadalka iyo istoosinta.  Waxa uu sidan ku sheegay Sheekh Aadan Siiro khudbadii salaada jimce waxaan isaga oo arimahan ka hadlaaya uu sheekhu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Kuwa maanta jooga ee muslimiinta hoggaaminayaa waa lay soo eegay,waa layga hadlay iyo waa layskay agtaagay iyo gidaarka dabadiisa ayaa laga hadlay, waxaasi waa waxii ay umaddani hore ugu jabeen.”

Sheekh Aaden, wuxuu soo jeediyay inaan la baahin wararka aan sugnayn isagoo sheegay inaanu cidna ku taageersanayn baahinta wararka aan sugnayn, waxaanu yidhi, “In badan waanu ka hadalnay warka aan sugnayn yaan la qorin, cid aanu ku raacsanahay ma jirto wadaad ha noqdo ama waranle ama gadh-dheer hala baxo ama mid gaaban ama ha noqto nin baayac mushtari ah ama ha yeesho magaca uu doono, cid laga yeelayaa hadal aan sugnayn in dadka loo sheego ma jiro, shareecadana meel ay kaga taalaa ma jirto.Waa maxay mushkilada muslimiinta hogaankooda haysataa, adigaa dadka ugu wanaagsan adigaa wax walba ah, adiga ayaa adiga ah, hogaankii musliiintuna waxay odhan jireen adeer hadaad ii timaado hay amaanin, muslimiintana wax hayga sheegin. Waar haloo daayo dadku inay hadlaan, hadalka waynu ku qadaynaa waar waxii dadka wax u taraaya ee tilaamaya ee ururinaya, laakiin dadku xaq ayay u leeyihiin inay hadlaan, rasuulka ayaa la’la hadlay CSW oo la yidhi ma taladaadiibaa mise waa waxyi oo adiga alle ayaa ku faray, haday waxi tahay waa aynu qaadanaynaa hadiise ay rayi tahay sidaas inga daa waa lagu jabayaaye. Waar dulqaad ayaa loo baahan yahay, ururin ayaa loo baahan yahay.”

Sheekh Aadan Siiro isaga hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“haddii aad tidhaahdo hebel waa uu hadlaye meheradiisa hala xidho adeer siday noqonaysaa, dadkana waynu ognahay duruuftooda, waar dadka xoriyadooda hala ilaaliyo, kuma taageersanin waxii gaf ah caqli ahaan iyo sharci ahaanba, waana in qofka muslinka ah uu afkiisa ilaaliyaa, waa inuu walaalkii ilaaliyo, war aan sugnayn in la sheegana waynu isku waafqsanahay.shirkadaha tilifoonada ee la yidhi hebel telefoonka ka jara, adeer adigana telefoonkaaga la iibsan maayo, hebel waa mucaarad ee waxaad ka jartaan Intetnetka, adigana Internetkaaga la gashan maayo, waxaasina dadka ayay saamaynayaan,ta kale haddii isgaadhsiintu ay cid u adeegto, isgaadhsiin kale ayaa la samayn doonaa, ama xukuumad haw adeegto ama nin gaar ah, haddii lagu yidhaahdo cid ka jar laydha ama biyaha sida wadamada qaar, haduu arinku sidaas noqdo umadda ayaa ka jawaabaysa, lacagta ay ku shaqaysanayaan kuwa isgaadhsiintana dadkaa leh, kaadhka ayaa loo celin doonaa qaar badan internetyadooda waa laga jawaabi doonaa.”

Waxa uu hadalkiisa ku soo gunaaday Sheekhu sidan“Imika mushkiladu waxa weeye yaa garsoorkii ah, yaa danbigii baadhaya, yaa wax loo dirayaa, dadku waxan ay ka cabanayaan waxa weeye kalsoonidii garsoorka ayaan jirin, haduu qofku ogyahay wax u dhaxeeya iyo dariiq ay ku kala baxayaan, maxkamadaheena waad ogtihiin laba wiil oo walaalo ah ayaa ilaa 1991-dii isku haysta dhaxal, waar dadka ka daaya juqa juqaynta cadaalada iyo xoriyadana hala ilaaiyo, waxa la sheegayaan waa inay sugnaadaan.”