Hay’adda Xuquual Insaanka Oo Ku Baaqday In Baadhitaan Lagu Sameeyo Madaxweynaha Masar

0
883

Picture2Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in loo baahan yahay in baadhitaan la xidhiidha ku tumasho xuquuqda aadanaha ah lagu sameeyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi, baadhitaankaas oo la xidhiidha dilka boqolaal qof oo mudaaharaadyo ka dhigayey magaalada Qaahira sannadkii la soo dhaafey.

Warbixin salaasadii shalay  soo baxdey, ayaa hay’adda waxay ku xustey qodobo dhowr ah oo la xidhiidha baadhitaan muddo sannad ah socdey oo ku saabsan hawlgaladii lagu ugaarsanayey dadkii banaanbaxyada dhigayey oo ka soo horjeedey ridistii madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi.

In ka badan 1,000 qof ayaa hawlgaladaasi lagu diley, waxaana hay’addu sheegtay in xaddiga dilalkaasi ay ahaayeen kheyrul caadi, isla markaana booliska iyo ciidamada amniga ay si hoose iyo si ula kac ahba u isticmaaleen awood xad dhaaf ah. Warbixinta ayaa sheegeysa in Mr. Sissi, oo xiligaasi ahaa taliyaha guud ee ciidamada loo baahan yahay in baadhitaan lagu sameeyo isaga iyo wasiiirka arrimaha gudaha Maxamed Ibrahim iyo sarkaal la yiraahdo Medhat Menshawy, kaas oo hoggaaminayey ciidamadii fuliyey hawlgalka ay dadka badani ku dhinteen ee lagu kala eryayey dadkii mudaaharaadyada dhigayey.