Hay’adda SOFHA Oo Magaalada Hargeysa Ugu Dabaal Degtay Sanad Guuradeedii Shanaad

0
685

Picture1Hargeysa (Geeska)- Ururka wadaniga ah ee SOFHA oo u dabaal degaayey sanad guuradiisii shanaad ayaa munaasibad loogu qabtay magaalada Hargeysa, gaar ahaana Hotel Ambassador, taas oo ay ka soo qayb galeen wasiiro ka tirsan xukumada iyo shaqaalaha ururka SOFHA. Munaasibadan sanad guurada shanaad waxaa ugu horayn furtay agaasimaha ururka SOFHA marwo Amaal Axmed Aw Aadan, waxaanay ka sheekaysay aas-aaskii ururka, waxaanay tidhi “Ururka waxaa la aas-aasay sanadkii 2009-ka, xiligaas muu lahayn shaqaale oo si ku meel gaadha ayaa loogu shaqaynaayey, waxaanu ururku ku dhex yaalay dhakhtarka Edna, sanadkii 2011 ayaa si rasmiya loo bilaabay shaqada ururka” Agaasimaha SOFHA Amaal Axmed Aw Aadan, ayaa intaas kadib ka war bixisay shaqooyinka kala duwan ee ururkoodu qabtay, kuwaas oo ay ugu horeeyaan dhalaanka iyo hooyada. Marwo Amaal Axmed ayaa intaas ka dib ku dheeraatay wada shaqaynta ururka SOFHA la leeyahay hay’addaha caalamiga ah iyo kuwo wadaniga ah, waxaanay si gaara u xustay inay xidhiidh la leeyihiin IPPF oo loo soo gaabiyo International Planned Parenthood Federation, waxaanu ka mid yahay ururada ugu waaweyn ee inta badan la barbar dhigo hay’addaha qaramada midoobay laysku yidhaahdo. Intaas kadib waxaa madasha ka hadashay Dr Edna Aadan Ismaacil oo gudoomiyaha ururka SOFHA, kana mida aas-aasayaasha ururka, waxaanay guud ahaan hambalyo u dirtay shaqaalaha iyo agaasimaha ururka SOFHA, iyadoo ku amaantay dadaalka ay muujiyeen mudadii yarad ee ay jireen. “Aniga oo ugu mahad naqaaya dadkii SOFHA halkaa soo gaadhsiiyey iyo Amal oo ku amaanan oo shaqo fiican qabtay, ilaahay hakula garab qabto, halkaas ka sii wada, ha daalina, dalkeenu wuxuu u baahan yahay dadaal” Dr Edan Aadan Ismaacil ayaa dhankeeda ugu dambayntii u mahad naqday wasaaradaha dalwada ee wada shaqayntu ka dhaxayso, iyadoo ku hadlaysay magaca ururka SOFHA. Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, waxaanu hambalyo guud u diray hawl wadeenada ururka SOFHA, isagoo ku bogaadiyey sanad guuradoodii shanaad, waxaanu si gaara ugu hambalyey Dr Edna Aadan Ismaacil. Dr Sacad Cali Shire ayaa aad ugu dheeraaday muhiimada ay bulshada u leedahay caafimaadka oo la hagaajiyo iyo waxbarashada oo kor loo qaado. Geesta kale waxaa iyana halkaasi ka hadashay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare oo aqoon u leh arrimaha caafimadka, iyadoo ugu horayn hambalyeysay shaqaalaha iyo maamulak ururka SOFHA, waxaanay tidhi “waan garanayaa ilaa maalintii aad bilawdeen iyo halka aad ka soo bilawdeen iyo maanta halka ay marayso. Rutnii hawsha aad qabateen aad iyo aad ayaad ugu amaanantihiin”. Ugu dambayntii waxaa halkaasi ka hadashay Ugaaso jamaac guuleed oo ka hawl gasha wasaaradda caafimaadka, gaar ahaana qaybta caafimaadka qoyska, waxaanay tidhi “SOFHA marka ugu horaysay waan u hambalyeynaa. anigu waxaan u soo taagnaa maalintii ugu horaysay ee ururkan loo wan qalay, maanta halka uu maraayo marka la eego waa wax lagu diirsado, waxaanay ku tusaysaa ururada bulshada wax-qabadkooda ee ay Somaliland dhexdeeda ka hayaan, hadii aan ku noqdo SOFHA shaqadeeda waa shaqada wasaarada caafimaadka qayb ka mida hawsheeda, waana ururka kaliya ee wadaniya ee aanu ka wada shaqayno qaybta kala dheeraynta dhasha,”