Hay’adda Ka Hortagga Masiibooyinka Oo Ka Hadashay Ayaxa Geediga Ah Ee Dalka Maray

0
863

Picture2Hargeysa(Geeska)-Agaasimaha ka hortaga masiiibooyinka Maxamed Muuse Cawaale oo warbaahinta u waramay, ayaa ku tilmaamay ayaxa ku habsaday Somaliland masiibo aanay wasaarada beeruhu waxba ka qaban karin.

Waxa uu Maxamed Muuse tilmaamay in loo baahan yahay in arimaha ayaxa ay iska kaashadaan wasaaradaha beeraha Somaliland iyo Itoobiya, si loo xakameeyo oo aanu ugu gudbin dalalka jaarka ah. Waxa sida oo kale uu ka sheekeeyay marxaladaha uu maro ayaxu iyo xiliga ugu wanaagsan ee la’la dagaalami karo.

Agaasimaha ka hortaga masiiibooyinka Maxamed Muuse Cawaale oo arimahaas ka hadlaayay waxa uu yidhi“Wasaaradu qorshe dhan ayaa ay uleedahay hawlahaasi ayaxa baryahana way ku hawlanayeen waa kuwii tagay dhankaasi xeebahana, anigu waxaan qabaa in ay aad iyo aad u da’daleen sidii ay arinkani wax uga qaban lahayeen shirar aaanu maalin dhawayd qabanayna waanagii siinay waxaanu talo siin lahayn hadaanu nahay Haay’adda ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah.Ayaxan la sheegay horta wax sahlan maaha oo wasaarada beerahuna ma haysto waxa ay kula dagaalanto, laakiin  barigii hore waxa jiri jiray diyaarado lagula dagaalamo ayaxana lagaga hortago, waxaasina imika majiraan waana aafo dabiici ah oo inta uu beedka yahay ama koron korka yahay ayaa fiican in la’la dagaalamo  laakiin wixii lagula dagaalami lahaa mayaaliin wasaarada beeraha Somaliland.”

Dhinac kale waxa uu sheegay in ay wada shaqayn buuxda laga sheeyo ayaxaas sidii aanu ugu gudbin lahayn wadamada jaarka ah waxaana uu yidhi.“Marka ay dabayshu qaado ee xagaas gayso waxa uu ugudbayaa dhinacaas iyo wadamada aynu jaarka nahay sida Itoobiya oo kale waxaana fiican in ay wasaarada Beeraha Somaliland iyo wasaarada beeraha ee Itoobiya arinkaas ayaxa iska kaa shadaan wada shaqayn fiicana ka yeshaan.

Maxamed Muuse Cawaale oo ka hadlaaya marxaladaha uu ayaxu maro iyo xiliga la’la dagaamai karo waxa uu yidhi”Waxa uu ayaxu soo maraa afar marxaladood, afartaasi waxa ay kala yihiin, marka hore waxa uu noqdaa kaba-jaa midh midh ah, marka labaad waa uu fidaa marka saddexaadna kalar kiisa ayaa is badala oo waxa uu noqdaa koron-koradii marka uu koron-korada ka kacana waxa uu noqdaa ayax wayn waana uu duulaa waxaana haboon bahalka inta uu yar yahay in waxa laga qabto ee uu dhulka mar-marayo.”