Hay’adda Human Right Watch Oo Warbixinta Sannadkii 2014 Ku Soo Qaadatay Wargeyska Haatuf

0
1006

2000px-Hrw_logo.svgHargeysa(Geeska)-Hay’adda Human Rights Watch ee ilaalinta xuquuqda bini-aadamka ayaa toddobaadkan soo saartay warbixintii sanadlaha ahayd ee caalamiga ah, waxaana warbixinta ka dhex muuqda arrimo khuseeya Somaliland oo dhacay sannadkii 2014.

Warbixinta sannadka 2015, waxa ay HRW dhinaca Somaliland kaga hadashay xadhigii iyo xayiraadii Wargeyska Haatuf iyo weliba xukunkii lagu riday guddoomiyaha Haatuf  Yuusuf  Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha Haatuf Axmed Cali Cige. Waxaanay warbixinta hay’addani sheegtay in Wargeyska iyo saxafiyiintaba lagu haysto warbixino musuqmasuq oo ay ka qoreen wasaaradda macdanta iyo tamarta.  “Gudaha Somaliland, masuuliyiinta waxay dhibaateeyeen jaraa’id caan ah. 25-kii Juun, maxkamad heer gobol ah ayaa ku kala xukuntay Yuusuf Cabdi Gaboobe, gudoomiyaha Shabakada Warbaahinta Haatuf, iyo Axmed Cali, tafaftiraha shabakada, min saddex iyo afar sano oo xabsi ah, markii lagu eedeeyay dembiyada kala ah, jaa’ifaysi, daabacaad been abuur ah  iyo been.” Ayay tidhi warbixintu, waxaanay intaas raacisay, “Mar dambe ayaa la sii daayay kadib markii loo fidiyay cafis madaxweyne. Haatuf ayaa liisankii dib loogala noqday sida la sheegay markii ay soo tabiyeen warbixino taxana ahaa oo ku saabsanaa musuqmaasuq ka jiray Wasaarada Tamarta.” ay’adu sannadkan waxa ay Somaliland ka soo qaadatay kiiskan oo keliya, waxaana muuqata in si gaar ah isha loogu hayay xadhiga iyo xayiraada Haatuf iyo shaqaalaheediiba. Hay’addu waxa ay warbixintan  ku soo bandhigay shir jaraa'id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, Leslie Lefkow oo ah Agaasime ku-xigeenka waaxda Afrika ee HWR. Babatunde Olugboji oo isna ah Agaasime ku xigeenka Mashaariicda Hay'adaas iyo Agnes Odhiambo oo dhanka Xaquuqda haweenka u qaabilsan HRW.