Hay’adda CPJ Oo Madaxweynaha Soo Gaadhsiisay Warqad Furan

0
23892

Hargeysa(Geeska)-Hay’adda ilaalinta saxaafadda ee CPJ, ayaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqday inuu xil iska saaro ilaalinta iyo daryeelka saxafiyiinta Somaliland.

Qoraal uu agaasimaha hay’addan CPJ qaybteeda Afrika Angela Quintal u soo diray madaxweyne Biixi oo ay gaadhsiisay hay’adda Human rights center ee Somaliland, ayaa waxa ay hay’adu ku sheegtay inay ka walaacsantahay xaaladda saxafiyiinta Somaliland tan iyo markii uu Madaxweyne Biixi xilka la wareegay. “Mudane madaxweyne, annagoo ah guddiga ilaalinta saxafiyiinta ee CPJ oo ah hay’ad madaxbanaan, waxaanu ugu baaqaynaa maamulkaaga inuu sii daayo saxafiyiinta xidhan oo uu damaanad qaado in warbaahinta loo daabici karo si xor ah.” ayaa lagu yidhi qoraalka oo intaas raaciyay, “Waxaad qoraal aad ku qortay November 2017 wargeyska Financial times ku balan qaaday inaad ilaalin doonto mabaadiida dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo distoorka Somaliland oo damaanad qaaday ilaalinta xorriyadda saxaafadda oo qayb muhiim ah ka ah dimuqraadiyadda dalka. Si kastaba ha ahate, xukuumadaadu waxay muddo kooban  ku guuldaraysatay taageeradeedii saxaafadda xorta ah. Baadhis aanu samaynay waxay muujisay in xaaladda ay saxafiyiinta Somaliland ku shaqeeyaan sii xumaatay.” ayaa lagu yidhi qoraalka oo intaas raaciyay in masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ay culaysyo dul dhigaan saxaafadda.

Ugu yaraan lix saxafi ayay hay’adu sheegtay in loo xidhay warar ay baahiyeen tan iyo intii ka dambaysay markii bishii December Madaxweyne Biixi loo caleemo saaray Madaxweynaha Somaliland, waxaanay sheegtay in inkastoo saxafiyiinta badankooda la sii daayay haddana in  hadimooyinka kale ee lagu hayo saxaafadu ay dhaawacayso dimuqraadiyadda Somaliland.

Hay’adu waxay qoraalka ay madaxweynaha u gudbisay ku soo bandhigtay magacyada saxafiyiinta la xidhay mudadii uu Madaxweyne Biixi xilka hayay, waxaanay sidoo kale soo hadal qaaday wargeysyo xayiran oo ay ka mid yihiin Haatuf iyo Hubsad iyo weliba mareego wararka baahiya oo ay iyagana xayiraad saareen shirkadaha Isgaadhsiineed ee dalku.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here