Hay’adda African Relief Committee Oo Xustay Sanad-Guuradeedii 20aad

0
788

Hargeysa (Geeska)-  Hay’adda African relief committee, oo ah Hay’ad ka shaqaysa waxbarashada, taakulaynta iyo daryeelidda Carruurta Agoomaha ah ayaa qabsatay xafladda sanad guuradeedii labaatanaad.

Xafladdan oo ka dhacday Shalay Xarunta Agoomaha ee Bariga Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, Masuuliyiin ka socda Waddanka Kuwayd, Wasiirrada, Waxbarashada, Diinta iyo Aw-qaafta, Gaashaandhiga, Duulista, shaqada iyo arrimaha Bulshada, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Salaadiin, Masuuliyiinta iyo macallimiinta Xarunta Agoomaha Hargeysa, Ardayda, Waalidiin iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa Xafladda ka hadlay Gudoomiyaha Hay’adda African relief committee Ibraahim Guure, oo ka war bixiyey u jeedada xuska iyo muddadii ay jirtay talaabooyinka ay qaaday Hay’addu,

“Laga bilaabo shan iyo sagaashankii, ayaa ugu horaysay markaan keenay ururkan Somalialnd, Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Tansaaniya. Meel kasta oo danta umadda Muslimiintu ku jirtana waan gaynaynay oo waan dhisaynay . Shan iyo sagaashankiibay Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo markaasuun ay ka soo wareegtay intii gooni isku taaga ay Somaliland la soo noqotay iyada oo dhawr sano ka soo wareegtay ayaanu keenay. Waxaan ku qasabnay inay ka dhisaan meel Agoonta lagu xanaaneeyo oo lagu koriyo way bilaabeen ilaa maantana way shaqaynaysaa.”

Waxa kale oo Gudoomiyaha Hay’addu faah-faahin ka bixiyey muhiimadda Hay’adda iyo mashaariic ay ka faa’iidaysteen dadweyne tiro badani, “Markaa anagu waxaan doonaynaa inaan keeno kaw meel waddanka horumar u noqonaysa. Hadafkayaga u horeeyaa waa kaa, meel waddanka horumar u noqonaysa oo lagu dayan karo oo gacanta lagu tilmaami karo. Laba waxaan doonaynaa meel agoonka yar ka shaqaynaysa maal gelina ka shaqaysanaysa oo markaa waxa weeyaan ay beerta sameeyaan, ay dhakhtarka sameeyaan waxaa soo baxaysa inuu qofkani leeyahay dhulkiiyoo uu kaala shaqaysanayo lexjeclana uu leeyahay. Markaa waa la dedaalay waxay sameeyeen markaa inay maalgelin sameeyaan  maalgelintiibay sameeyeen. Waxay kaloo sameeyeen inay inay dadka u abuuraan shaqo. Maanta Somaliland markaan ka hadlayno waxa ka shaqeeya lix boqol oo shaqaale ayaa ka shaqeeya, lixdaa boqol ninka ugu yari laba boqol oo dallar ayuu ka qaataa taasina waa maalgelinta iyo inaan shaqo dadkii u abuurno.”

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane, ayaa Ha’adda uga mahadceliyey dedaallada ay ka wado Deegaanada Somaliland. “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqaynaa Walaalaheena reer Kuweyd Dawlad iyo Shiciba iyo Hay’atu Raxma ee inoo suurto galisay in ay tan oo kale meelo fara badan oo dalka ah ay ka jirto markiskana uu yahay kii u weynaa ee laga hirgeliyo. Aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa ilaahayna raali buu ka noqon inaguna raali baan ka nahay, intaa in ay inooga sii kordhiyaana waan doonaynaa wayna ku mahadsan yihiin.”

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani oo kulankaas soo gunaanaday, ayaa waxa uu sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu ka soo qeyb-galo xafladdaasi isaga oo carabka ku dhuftay sida oo kale na ka sheekeeyey barnaamijyada kheyriga ah ee dawladda Kuweyd ay ka wado gudaha Somaliland.

"Ugu horeyn waxa aan u mahadcelinayaa hay’adda kheyriga ah ee reer Kuweyt iyo hay’adda khayrka ka shaqeysa ee geeska Afrika, oo maanta midhahii ay soo saareen aynu halkan ugu debaal degayno, gaar ahaan dhallinyaradii wax ka baratay Iskuulkan maanta aynu joogno, waxa aan is lee yahay dhismahani waa dhismaha Hargeysa ugu weyn oo ama Somaliland ha dhisto ama cid kale ha dhisto e’ , waxa kale oo iyana aynu ka warqabnaa in dawladda Kuweyd ay mashaariic kale oo fara badan ay wadanka gelisay oo ay ka mid yihiin Madaarka Hargeysa iyo weli ba Madaarka Berbera. Waxa kale oo ay ka qeyb-qaataan mashaariic kale oo horumarineed iyo kuwo gargaar ah ba, markaa waxa aynu u mahadnaqeynaa walaalkeen Ibraahim iyo Cabdicasiis oo halkan innoo fadhiya kana wakiil ah labada hay’addood ba”

Guddoomiyaha Waddani oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Waxa aan mar kale idin lee yahay aad baad u mahadsan tihiin, shacbiga reer Kuweyd, Amiirka reer Kuweyd iyo ninka dhaxalka sugaaya oo aan is lee yahay waa ninka qudha ee Carbeed ee aaminay Somaliland ee halkan ina la degan dalkeena, waxa aanu idiin sheegaynaa in shacabka reer Somaliland uu abaal badan idiin hayo, Ilaahayna ajar iyo xasanaad ha idiin ku bedelo wixii aad sameyseen ee wanaagsanaa.”