Hay’adda Actionaid Oo Daah-furtay Mashruuc Horumarineed Oo Ka Soconaya Gobolada Maroodi-jeex Iyo Gabiley

0
508

Picture4Hargeysa(Geeska)-Hay’adda Caalamiga ah ee Actionaid, oo tan iyo markii ay Somaliland dib ula soo noqotay xorriyadeeda dalka ka shaqeeynaysay, kana hawl gasha Lix Gobol oo ka mid ah Gobolada Somaliland, ayaa Shalay si toos ah u daah-furtay Mashruuc horumarineed oo muddo Saddex Sano ah, ka soconaya 21-tuulo oo hoos yimaadana Gobolada Maroodi-jeex iyo Gabiley, isla markaana ay ka faa’iideeysan doonana 14-kun oo qof.

Mashruucan horumarineed oo u badan dhinaca beeraha, ayaa waxa Shalay lagu qabtay Munaasibadii lagu daah-furay Mansoor Hotel ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirka  Wasaaradda Beeraha Prof: Faarax Cilmi Geedoole, Madaxa Hay’adda Actionaid u qaabilsan Somaliland Marwo Sacdiya Cabdi Caalin, Adriano Combalino oo Hay’adda Madaxa uga ah 47-dal, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gabiley iyo dadweyne aad u tiro badan, waxaanu ugu horeyn halkaas ka hadlay Axmed Aadan oo ah Madaxa Siyaasada ee Hay’adda Actionaid u qaabilsan dalka, waxaanu ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee Hay’addu soo martay, wakhtigii ay ka hawlgashay Somaliland iyo mashaariicdii kala duwaana ee  ay ka fulisay Somaliland waxaanu yidhi “Hay’adda Actionaid waa Hay’adda Caalamiya, waxayna Somalia ka hawl-gashay 1983-kii, kadib dagaaladii dhacay ayey ka baxday dalka, balse markii dalka dib loogu soo laabtay ayey Somaliland dib ugu soo laabtay, halkaas ayeynan hawlaheedi shaqo ka sii waday, waxayna qeyb ka qaadatay Horumarkii Dalka, waxayna Hay’addani go’aansatay inay isticmaasho Actionaid Somaliland, halka Hay’addaha kale isticmaalaan Gobolada Waqooyi, ugu horeyn  waxa ay shaqada ka bilawday Gobolka Sanaag, waxa ay haddana ku soo durugtay Gobolka Togdheer, guud ahaana Hay’adda Actionaid waxa ay ka shaqeeysa lix Gobol,waxayna si toos ah ula shaqeeysa Dawladda oo iyadu Umadda ka masuul ah,gaar ahaana waxa ay la shaqeeysa  Ururada Bulshada iyo dadka Miyiga ku  nool, waxayna Hay’addu xooga saarta Horumarka xaga Dhaqaalaha,in laga qeyb qaato Horumarka Dumarka, oo laga horumariyo xaga Dhaqaalaha, Siyaasada, Waxbarashada iyo inay Cadaalad helaan laga horumariyo, waxaana ku hawlanahay Waxbarashada Dumarka iyo Dugsiyada hoose ee Caruurta Gobolada Gabiley iyo qeyb ka mid ah Maroodi-jeex, ILLAAHAY inaguma keena haddii aafooyin dhacaan Hay’adda Actionaid inay ka qeyb qaadato ayey diyaar u tahay, 21-Deegaan oo dhinaca Galbeedka ah oo Gabiley iyo Maroodi-jeex ah, hoos u imanaya ayaanu ka bilaabi doona Mashruuc Saddex sano soconaya, taas oo aanu halkan u wada joogno Maanta, taas oo ku saabsan kor u qaadista heerka nolosha Bulshada, Mashruuca Saddexda sano soconaya waxa aan ku rajo weynahay inuu Mashruucaasi dadka wax badan u tari doono”.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdilaahi Cabdi oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Hay’adda Actionaid, oo uu uga mahadnaqay Mashraaciida ay ka fulinayos Gobolada Gabiley iyo Maroodi-jeex, waxaanu sheegay inay Hay’addani si gaar ah Gobolka uga shaqeeyso, Mashaariic badan oo horumkarin ahna ka fulisay.

Madax Hay’adda Actionaid Marwo Sacdiya Cabdi Caalin ayaa  iyana ka warbixisay qiimaha uu Mashruucani Bulshada  u leeyahay iyo qaabka ay Hay’adda Actionaid u shaqeeyso, waxayna sidoo kale Bulshada  ugu baaqday inay la yimadaan shaqo iyo karti  si ay wax ula  soo baxaan dibna ugu noqdaan Beerahoodii oo wax ka beertaan, waxayna tidhi “Mashruucan aynu Maanta daah-furayno waa mid soconaya Saddex Sano, oo aynu doonayno inaynu wax kaga qabano tayada wax soo saarka dhulkeena,Sanadkii hore hadaaya waxa aynu iskugu nimid halkan inaga oo daah-furayna qorsha hawleedkeena Shanta Sano ee  soo socda, waxa aanu dusha  ku qaadanay oo ILLAAHAY ku tala saaranay in aanu gaadhi doono dad ku siman dhawr iyo labaatan kun, oo ah Gobolada aan ka shaqeeyno, balse waxa guul inoo ah oo wax loogu mahadnaqo ILLAAHAY ah in aanu Maanta ku guuleeysanay Mashruuc soconaya Saddex Sano oo gaadhi doona 14-kun oo qof, Mashruucani maaha Mashruuc dadka wax la  siinayo oo keliya, balse waxa uu Bulshada u fududeeynaya sidii ay wax  u qabsan lahaayeen,waxa jiray Mashruucan mid ka horeeyey, oo Sanad ahaa, Mashruucasina waxa uu na tusay in dadkeenu wax qabsan karaan, haddii la siiyo wax ay wax ku sii qabsan karaan,waxaad arkaysaa Beero badan oo iska baabay, oo xitta dadkoodii Kuuliyaal yihiin, dadkaasi haddii ay heli la hayeen cid ka taageerta inay Ceel iyo wax ay ku shaqeeystaan hela aad ayey wax weyn ugu noqon lahayd noloshooda”.

Adriano Combalino oo isagu ah Madaxa Hay’adda Actionaid, 47-dal, oo munaasibada  ka  soo qeyb galay, markii ugu horeeysayna dalka yimid, ayaa aad u soo dhaweeyey Mashruucan, waxaanu sheegay inuu Mashruucani qiimo iyo faa’iidooyin badan leeyahay, Bulshada wax badan u tari doono, waxaanu yidhi “In aan halkan yimaado aad ayaan ugu faraxsanahay, Mashruucana waa Mashruuc aad muhiim u ah, xaalad Maceeshada Caalamku sii adkaanayso, iyada oo dhibaatooyin badani ka jiraan xaga maceeshada, Caalamkana Lixdii qofba, qof ayaa Gaajo ku seexda kuna soo toosa, Caalamku haddii uu yahay Lix Bilyan, Bilyan ayaa Gaajo ku seexda, arintu maaha in Cunto la’aani Caalamka ka jirto, ee Cunto ku filani wey taala, balse Cuntaas Caalamka taala ayaan si cadaalad ah loo maamulin, Maalinba Maalinta  ka dambeysna wey ka sii  daraysaa, Cimilada Aduunkuna wey isbadalaysa,Maceeshada Caalamkuna wey sii qaaliyoobaysa, marka  uu Roob yimadaana Daadad ayaa yimaada,taasina waxa ay ka qeyb qaadanaysa in dadka qeyb ka mid ah ay noloshu ku sii adkaato, Mashruucan ka hirgalaya Gobolada Maroodi-jeex iyo Gabiley inay wax ka tari doono dhibaatadaas jirta”.

Wasiirka  Wasaaradda Beeraha Prof: Faarax Cilmi Geedoole, oo isagu si rasmiya  Shalay u daah-furey Mashruucan laga hirgelin doono Gobolada Gabiley iyo Maroodi-jeex ayaa isagu sheegay inuu aad ugu  faraxsan yahay isla markaana uu aad ugu mahadnaqayo Hay’adda Actionaid,oo uu ku amaanay doorka  ay ku leedahay horumarka iyo mashaaricaha kala duwan ee ay dalka ka fuliso, waxaanu sidoo kale Bulshada Mashruucan loo fulinaayo ugu baaqay inay ka faa’iideeystaan Mashruucan, oo ay wax beertaan, wax  soo saarna la yimadaan, waxa sidoo kale dardaaran u soo jeediyey Beeralayada kala duwan ee  Somaliland oo uu ugu baaqay inay beertaan, Cunooyinka waxtarka leh.