Hay’ada ARC Oo Soo Bandhigtay Nidaamkii Ugu Casrisanaa Ee Kun Qoys Oo Ay Abaaruhu Sameeyeen Min $ 1000 Lagu Siiyay

0
988

Hargyesa(Geeska)- Shir aad u qiimo badan ayaa habeenimadii Jimcaha September 20, 2017 ka dhacay cariga Maraykanka gaar ahaan New Yorkaas halkaas oo ay Hayada ARC, kooxda Army Love iyo Bill Gates Foundation ay  iska kaashadeen in kun qoys oo dadka Somaliland ee abaaruhu ay xoolo tireen ah la siiyo halkii qoysba kun doolar oo ay dib xoolo ugu iibsadaan.

Xaflad lagu muujinaayay awooda war isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada ee dhanka mucaawinada ayaa lagu qabtay hudheelka Hiddo-Dhawr ee magaalada Hargeysa kaas oo la keenay muunada kunka qoys ee loogu talo galay in lacagtan la siiyo oo ah kontan qof oo ka soo jeeda tuulada Habaasweyn.

Dadkan oo adeega Edahab loo marinaayay lacagta la siinayay ayaa isla mar kaliyaata waxa loogu fasaxay kontan kun oo doolar, iyada oo isla marka jalaska farxada badan ee tilmaamaya in lacagu qofka soo gaadhay si toos ah looga daawanaayo shir kooxda Army Love iyo dadkii caawimada soo bixiyay ay isla wakhtigaas ka daawanayeen magaalada New York ee dalka Maraykanka oo ay lacagtani ka timid. waa markii u horeysay ee taariikhda lacag toos looga soo diray goob barnaamij LIVE ahi ka socday ay isla markii ba toos u gaadhay dadkii loogu talo galay.

Masuuliyiin ka socotay hay’ada ARC ayaa sheegay in haayadu ay ka shaqayso gobalada bariga Somaliland oo aan inta badan haayaduhu ka shaqayn, waxa uu masuulkani sheegay inay dayac tireen intii abaaruhu jireen ceelal badan oo qaarkood ay u sameeyeen solar cadceeda ku shaqaynaaya oo biyo soo saarka ka caawinaaya, sida oo kale waxa uu ka haday kaalinta muhiimka ah ee ay ka ciyaareen biyo dhaamiskii  abaaraha,la tacaalidii shuban biyoodka, taageerida MCH-yo iyo tuulooyinka ku yaala iyo kooxo caafimaad oo wareega iyo waliba in taageero dhaqaale la siiyo dadkii abaaruhu ay xoolaha ka dhameeyeen kadib abaartii oo barnaamijkan kunka qoys lagu siinayo min kunka doolar uu ugu danbeeyay.

Masuulka u sareeya Hay’ada ARC Mr. ADAN ABDI ADAR ayaa sheegay in lacagtan oo cadadkeedu yahay USD 1,000,000 (Hal Milyan oo dollar) loogu talo galay dadkii abaarahu saameeyeen ee ku dhaqan gobolada Dalka gaar ahaan, iyadoo caawa 105 qoys oo ka socda tuulada HABAASWEYN loo diri doono min $ 1,000 (KUN DOLLAR) isla mar ahaantaasna 895 Qoys ee hadhay loo diri doono maalinta ku xigta dhamaantood.

Wasiirka dib u dajinta Cali Siciid Raygal oo halkaas ka hadlay ayaa isaguna dhankiisa waxa uu ka hadlay lacagtan la siinaayo dadkan abaaruhu ay xoolo tireen “Farxad ayay inoo tahay in inaga oo halkaas iska fadhina dadkeenii baahnaa ay lacagi u soo dhacdo oo tilifoonkiisii isticmaalo oo qof walba lagu yidhaahdo kun doolar ayaa laguugu shubayaa oo waliba hal doolar oo tijaabo ah ayaa caawa kuu dheer, markii sanqadha moobilku joogsan wayday waxaan is idhi malaa dheeraadbaa lacagii shirkada ka soo raacay,aad iyo aad waxaanu ugu mahadnaqaynaa haayada ARC inay tahay haayadaha lafdhabarta ah ee Somaliland dadka abaaruhu ay xoolihii ka dhameeyeen iyo kuwa siyaabo kale u barakacay ay si waafi ah waxtar uga gaysteen runtii aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa.”

Wasiirka qorshaynta Somaliland Maxamed Ibraahin Aadan (Qabo) ayaa isaguna dhankiisa ka hadlay qoysaskan taageerada loo fidiyay”Muddo ayaanu kala shaqaynaynay haayada ARC,dadkani waa kuwii ugu baahnaa ee aan is leeyahay wax baa la tari karaa qoys walba waxa loogu talo galay lacagtaas inay nolashoodii dib ugu noqdaan, maaha kaash wax la siinaayo ee lacagtaas waxyanu ugu talo galnay wax reerka anfici kara waliba muhiimadu waa xoolaha, 20 iddo ah 15 iyo ka badanba waa ay idiin go’ayn karaan, waxaan idinkula talinayaa in aydaan lacataas fudaydsan waayo kormeer ayay haayadu idinku soo samaynaysaa, maaha reer Habaasweyn oo kaliyaata, lacagtaas degmada la yidhaahdo Ceeg 200 qoys ayay haayadu siisay ilaa Oog Adhicadeeye, Guumays, Goljano, aniga iyo wasiirka dib u dajinta ayaa la soo marnay kooxda ARC si fiican ayay u qorsheeyeen dadkii ugu baahnaana waa laga soo guray waana bilow.”

Maayarka caasimada Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa dhankiisa isaguna halkaas ayaa u mahadceliyay hay’adda ARC.

Ugu danbayntii waxa xafladan lagu soo afmeeray in dadkan abaaruhu ay waxyeeleeyeen ee deegaanka Habaasweyn toos si la wada daawanaayo loogu diray qoyskiiba lacag kun doolar ah kontankii qoys ee muunada ahaa ee goobta joogay.

Qorshahan ayaa ahaa mid ku cusub saaxadda Somaliland, waxaanay hay’adda ARC keentay qorshe cusub oo iyadoo la kala joogo duni kala fog haddana lagu caawin karo dadka abaaraysan.