Haweenayda Loo Haysto Dilkii Marxuumad Ruqiya Oo Maanta Maxkamada La Horganayo

0
539

Picture6Hargeysa(Geeska)-Haweenayda loo haysto dilkii marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle iyo koox dad ah oo kale oo la xidhan ayaa la filayaa in maanta la horkeeno maxkamadda magaalada Hargeysa.

Haweenayda dilka loo haysto oo lagu magacaabo Muuna Maxamed Cabdillaahi oo ay Boolisku ku tilmaaneen gacan ku dhiiglaha koowaad ee dilkan, ayaa waxa la xidhan dad kale oo iyagana falkan foosha xun loo haysto, waxaana la filayaa in maxkamadda Hargeysa maanta la keeno, lamase oga inay maxkamadu maanta bilaabi doonto dacwadda dilkan foosha xun iyo inay xeer ilaalintu maanta u gudbin doonto galka eedda ah ee dacwadaas. Laakiin taliyaha Booliska sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo gacanta ku haya baadhista kiiskan ayaa sheegay in haweenayda dilka loo haysto la horgayn doono cadaaladda lana marin doono sharciga.

Geesta kale, bulshada reer Somaliland ayaa si weyn weli u hadal haysa dilkaas foosha xun oo noqday kii u horeeyay ee noociisa ah ee lagu arko dalka, waxaanay dadkani dawladda Somaliland ka dalbanayaan in sharciga la mariyo cid kasta oo dilkaas ku lug yeelata.