Haweenay Xayeysiinta Dharka Caan Ku Ah Oo Ingiriis Ah Ayaa Ka Dawarsata Masaajidada Imaaraadka

0
621

1Dubai (Geeska)- Waxaa dhowaan la ogaaday in Karina Reid oo caan ku ahaan jirtay xayeysiiska dharka, balse aan muddo dheer la arkin marka laga reebo dhowr jeer oo laga faafiyey sawiro ay ku labbisan tahay dhar aan asturnayn, ayaa la ogaaday in muddo dheer ay ku noolayd dalka Imaaraadka, oo weliba ay iska dhigi jirtay in ay tahay faqiir, oo ay si joogto ah ugu soo noqnoqon jirtay Masaajidda si ay wax uga qaadato cuntooyin bilaa lacagta ah ee loogu talogalay dadka faqiirka ah, iyada oo hadddana lacag la’aani aanay haynin oo fasaxyada ku soo qaadata goobaha raaxada iyo dalxiiska ee magaalooyinka Hong Kong, Dubai iyo Paris.

Waa run in qof kastaa la yaabban yahay sababta Karina ku kalliftay in ay dawarsato iyada oo heerkaas bulshada kaga jirta, waxase yaabku kugu sii badanayaa marka aad ogaato in gabadhan oo 32 jir ah mar hore maxkamad ku taalla dalka Ingiriisku ay ku xukuntay 3 sano oo xabsi ah, kadib markii la ogaaday in ay kumannaan lacagta dalka Ingiriiska ah ka qaadatay lacagta ay xukuumadda Ingiriisku siiso fuqarada iyo dadka baahan, kadib markii ay iska dhigtay in ay faqiir tahay.

Reid ayaa fashilantay markii dawladda Ingiriisku ay heshay qayb ka mid ah sawirradeeda oo ay ku faafisay barteeda Facebook, waxaana lagu bilaabay baadhitaanno lagu ogaanayo halka ay ka hesho lacagta ay ku iibsato dharka qaaliga ah iyo weliba kharashka ay ku bixiso safarrada dalxiiska ah ee ay daafaha dunida ku tagto iyada oo haddana la siiyo lacagta caydha ah ee ay dawladdu bixiso oo la og yahay in aanay noloshaas oo kale qofka u suurtogelinayn.

War uu Geeska Afrika turjumay oo uu qoray wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in isu-geynta lacagta ay ay Reid muddadaas ka qaadatay sanduuqa caydha ee dawladda Ingiriisku ay gaadhay 71 Kun oo doolarka Maraykanka ah, waxa aana la ogaaday in lacagtaas ay ku bixisay safarro dalxiis ah oo ay ku tagtay Dubai, Hong Kong, Spain, Portugal, Switzerland, iyo Faransiiska, iyada oo inta ay ku degto hudheellada ugu qaalisan aad u isticmaali jirtay khamriga.

Sidoo kale waxa ay dawladdu ogaatay in Reid ay haysato adduun ka badan Rubuc Milyuun doolar, oo inta ay u qaybisay qaybo yaryar ay ku shubatay in ka badan 19 Akoon oo ay ku leedahay bangiyo kala duwan, si ay xukuumadda u khiyaamayso oo loogu daro liiska dadka caydha ah.

Karina Reid codsiga caawimada caydha waxa ay dawladaha ee London ka dalbatay sannadkii 2009kii, waxa aanay wadday tan iyo markii la qabtay ee baadhista lagu bilaabay, kadib markii sidii aynu soo sheegnay ay fashiliyeen sawirro dalxiis iyo raaxo oo ay ku faafisay barteeda barkulanka bulshada ee facebook.

Sida lagu sheegay wararkii xilligaas ay faafisay maxkamad ku taalla magaalada London oo qaadday dacwadda Karina Reid, gabadhani xilliga ay safarka dalxiiska iyo nasashada ah ku joogto dalka Isu-tagga Imaraadka Carabta waxa ay si joogto ah ugu noqnoqon jirtay masaajidda dadka ladani tagaan eek u yaalla magaalada Dubai, iyada oo xidhan labbiska asturan ee Islaamiga ah, sida xijaabka ama cabaayadaha, waxa aanay iska dhigi jirtay ruux faqiir ah oo dadka muslimiinta ah ee tukanaya caawimo uga baahan.

Sida ay maxkamaddu caddaysay Reid waxa ay masaajiddan ka soo heli jirtay cuntooyin bilaa lacag ah oo masaajidka loo keeno in ay quutaan dadka faqiirka ahi, sidoo kale waxa ay ka heli jirtay caawimooyin lacageed oo ah sadaqadda ay inta badan masaajidda keenaan dadka samofalayaasha ah ee dhaqaalaha haystaa, si maamulka masaajidku uu u siiyo hadba ciddii faqiir ah ee soo dawarsata masaajidka.

Masuulyiinta dawladda Dubai oo arrimaha ammaanka aad ugu feejigan ayaanay u suurtogelin in ay ogaadaan xaaladda Karina Reid oo ah gabadh caan ku ah dhar xayeysiiska oo wejigeeda aad loo yaqaanno, in badanna uu ku soo baxo majaladaha dharka lagu xayeysiiyo, iyada oo weliba aalaaba u labbisata qaab qaawanida aan wax badan dhaamin.

Ilaa hadda lama oga sababta ay Karina Reid caado uga dhigatay in ay urursato lacagta loogu talogalay dadka caydha ah iyada oo faqiir aad ah iska dhigaysa, iyada oo la og yahay in ay tahay gabadh dhaqaale badani soo galo. Waxase ay dadka arrimahan u dhuun daloolaa u badinayaan in ay ahayd uun balwad xun oo ay qabatintay.