Haweenay Dhimatay Kadib Markii Ay Shaqaysay 159 Saacadood Oo Dheeraad Ka Ah Saacadihii Caadiga Ahaa

0
823

Tokiyo (Geeska)- Saxafiyad u dhalatay dalka Jabbaan oo 31 jir ahayd ayaa afar sano ka hor u dhimatay sababo aan markaas dabiici loo qaatay, laakiin dhowaan ehelkeeda iyo duniduba ogaadeen in sababta dhimashadeedu ay la xidhiidho shaqadeeda warfidiyeennimo, oo ay kala kulantay culays badan oo shaqo. Gabadhan ayaa la ogaaday in bishii u dambaysay nolosheeda ay shaqaysay 159 saacadood oo dheeraad ka ah saacadihii shaqada ee caadiga ahaa.

Warkan oo ay maalmihii u dambeeyey aad uga hadlaysay warbaahinta dunida ayaa shabakadda wararka ee Alcarabiya oo uu Geeska Afrika soo xigtay ay sheegtay in saxafiyaddan magaceedu ahaa Mimaa Saadu oo si kedis ah u dhimatay sannadkii 2013, dhowaan la ogaaday in sababta dhimashadeedu ay ahayd shaqo dheeraad ah iyo culays ay kala kulantay shaqada. Miimaa waxa ah dhimatay iyada oo talefankeeda gacanta dhegta ku haysa oo la hadlaysa mid ka mid ahaa ilaha ay ka raadinaysay war iyo xog ay doonaysay in ay dadka u gudbiso.

Bilowgii dhakhaatiirtu sababta dhimashada kediska ah ee Miima waxa ay ku sheegeen wadnaha oo si kedis ah shaqada u joojiyey, laakiin talefishanka NHK oo ay gabadhani u shaqaynaysay ayaa ugu dambaystii qirtay in gabadhani ay shaqaysay saacado aad u badan oo aanay maangal ahayn in qof shaqeeyo.

Talefishanku waxa uu sheegay in bishii u dambaysay nolosheeda ay shaqaysay 159 saacadood iyo 37 daqiiqadood oo ahaa saacado dheeraad ka ah saacadihii shaqo ee caadi ahaan looga baahnaa, taas oo macnaheedu yahay in maalin kasta ay shaqayn jirtay ku dhowaad lix saac oo ka badan saacadihii waajibka ku ahaa xitaa maalmaha fasaxa toddobaadka, haddii si kale loo dhigana noqonaysa in shaqadeedu ay ahayd 14 saac maalin kasta. Xafiiska shaqada ee magaalada Tokiyo ayaa isaguna warbixin uu arrinta Miima ka soo saaray waxa uu ku aqoonsaday in sababta dhimashadeedu ay ahayd waxa uu ugu yeedhay ‘Karoshi’ oo ah erey afjabbaan ah oo macnihiisu yahay, ‘Dhimashada shaqada badani sababto.’

Miima oo marka ay dhimatay ku gudo jirtay shaqo warfidiyeennimo ayaa waajibka shaqo ee ay talefishanka sida gaarka ah ugu qaabilsanayd uu ahaa faafinta wararka la xidhiidhay doorashooyin deegaan oo bishaas ka dhacayey Jabbaan.

Talefishanka NHK ayaa sheegay in muddadaas afarta sano ah ee ka dambaysay dhimashada Miima uu qarinayey xaqiiqda sababta dhimashadeeda, kadib markii ay sidaas dalbadeen qoyskeeda oo jeclaystay in aan loo gacan dhaafin wararka la xidhiidha dhimashada inantooda iyo in warbaahinta aan laga sii deynin wararka la xidhiidha, laakiin dadaal badan kadib ay qoysku imika ogolaadeen in ay warkan faafiyaan.

Sharciga dalka Jabbaan waxa uu mamnuucayaa in qofku uu shaqeeyo 8 saac wax ka badan maalintii, waxa aanu waajib ka dhigayaa in maalmaha shaqadu aanay ka badan shan maalmood oo keliya toddobaadkii, waxa kale oo uu dhigayaa in qof kasta oo shaqaale ahi uu xaq u leeyahay in Siddeeda saac ee shaqada dhexdooda uu helo hal saac oo cunto cunis iyo yara nasasho ah. Waxa uu imika dalka Jabbaan wadaa qorshe kale oo uu ku soo saarayo sharci xakamaynaya xitaa qofka doonaya in uu iskii u shaqaysto saacado dheeraad ah, waxa aana lagu wadaa in sharcigaas cusub uu qof kasta ka mamnuuco in uu bishii shaqaysto saacado dheeraad ah oo ka badan 100 saac, taas oo u dhiganta in uu ugu badnaan saddex saac iyo badh dheeraad ka ah saacadaha shaqada maalintii shaqeeyo.