Haro Ku Taalla Ciraaq Oo Biyaheedu Dhiig Isu Beddeleen Iyo Fasiraadda Dhacdo La Mid Ah Oo Hore Maraykanka Loogu Arkay

0
981

Baqdaad (Geeska)- Degmada Sadar ee magaalada Baqdaad caasimadda dalka Ciraaq waxaa ku taalla haro dhowaan biyaheedu isu beddeleen midabka dhiigga oo dadka deegaanka ku noqotay mucjiso ay fasiraad u waayeen kuna abuurtay cabsi xooggan. Si kastaba ha ahaato ee waxa ay arrintani dad badan xasuustooda ku soo celisay haro ku taalla gobalka Texas ee dalka Maraykanka oo sannadkii 2012 ka iyadun isu beddeshay casaan dhiig ah. laakiin haradaas Maraykanka ku taalla baadhitaannada lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in sababta biyaha harada midabkan u yeeshay ay tahay ogsajiinta oo ku yaraatay biyahan iyo bakteeriya ku dhex nool biyaha oo badatay. Waxa ay dad badani u malaynayaan in sababta harada Ciraaq midabkeedu isu beddelay ay la mid noqon karto taas hore uga dhacday Maraykanka.

Dhacdadaas hore ee Maraykanka ayaa ka dambaysay abaaro aad u ba’an oo waqtigaas ku dhuftay dhul ballaadhan oo dalka Maraykanka ka mid ah, taas oo sababtay in uu dhinto kalluunkii haradan ku jiray, kadib markii ay ogsajiintu si aad ah ugu yaraatay biyahan, taasina ay keentay in ay si aad ah u Taranto bakteeriyadan, oo badashadaas awgeed biyihii casaan ay isu beddeleen.

Illaa hadda ma cadda in sababta uu u casaaday midabka harada ku taalla dalka Ciraaq ay la xidhiidho uun isla sababtaas harada dalka Maraykanku u midab doorsoontay. Si kastaba ha ahaato ee haradan ku taalla dalka Ciraaq oo durba loo bixiyey ‘Harada dhiigga’ ayaa dadka deegaanka ku keentay argagac badan, sheekooyin malo-awaal ah oo badanna ku dhex faafisay, waxa aana jirta cabsi dadka badankoodu qabaan oo isbeddelka midabka biyaha haradan ku xidhiidhinaysa colaadaha kala duwan ee muddada dheer ka socday dalka Ciraaq oo la ogyahay in ay u badnaayeen dagaallo hub aad u casriyeysan la adeegsaday.