Hargeysa; Qodobo Laga Soo Saaray Shirka Beesha Muuse Abokor

0
946

Hargeysa(Geeska)-Beesha Muuse Abokor oo ka mid ah beelaha Arab ayaa duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa ku qabsatay shir saddex maalmood u socday.

Shirkaas oo shalay la soo gunaanaday waxa laga soo saaray lix qodob, iyadoo lagu dhisay shirkaas guddi ka talin doonta masiirka beesha. Qodobada ayaa kala ahaa kuwan:

1-In gooni isku taaga Somaliland uu yahay muqadas, nabadgalyana  lagula noolaado beelaha kale ee Somaliland.

2-Mawqif midaysan iyo isku duubnida beesha Muuse Abokor

3.Beesha Muuse Abokor waxay boqranaysaa suldaankoodii layskuna gartay inankii uu dhalay boqorkii hore ee Beesha Muuse Abokor  dibna loogu dhigay laba bilood iyo shan iyo toban cisho ka bacdi arrinkaas.

4-Beeshu waxay isla afgartay in laga shaqeeyo waxii horumar ah ee dadka beesha ka tirsan ee dega Kililka shanaad ee Itoobiya.

5-Sanduuq dhaqaale oo ay beeshu yeelato

6-Gudida laga ansaxiyay shirkaas oo noqon doonta gudida Muuse Aborkor ee ka talin doonta aayaha iyo masiirka Muuse Abokor iyada oo loo dhan yahayna halkaas lagu ansixiyay.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi iyo weliba Suldaan Cabdillaahi Cabdillaahi Axmed Cilmi.