Hargeysa Oo Lagaga Dhawaaqay Urur Samofal Oo Loogu Magac Daray Suldaan Barre Shire

0
683

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xaflad balaadhan oo lagu daah-furayey aas-aaska xarun Samofal oo loogu magacdaray Suldaan Xasan Barre Warsame Shire, ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa,xafladdaasi oo si quruxbadan loo soo abaabulay waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland,wasiirada,arrimaha gudaha,diinta iyo awqaafta,kaluumaysiga iyo salaadiin tiro badan.

Sida oo kale madashan waxa ka soo qaybgalay ganacsato,Marwada madaxweynaha Aamina Waris guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi,dad tiro badan oo hore xilil u soo qabtay iyo  maayarka Hargeysa.

Ugu horayntii waxa halkaas lagu soo bandhigay muuqaal daawasho ah oo ka hadlaaya sida uu Suldaan Xasan Barre ugu taagnaa u adeegida bulshada sida caafimaadka,nabad galayada iyo waxbarashada, waxa muuqaalkaas lagu dhex arkaayay Suldaan Xasan Bare oo 1999-kii u ololaynaayey faafinta dugsiyada iyo xarumaha caafimaadka, isla markaasna caruur iyo dad waaweynba ku waraysanaaya dhulka miyiga ah.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna dhankiisa ka waramay taariikhda Suldaan Xasan Bare oo uu ku sheegay mid xanbaarsanayd wax tarida dadka, isaga oo ka sheekeeyay sida uu uga qaybqaatay halgankii iyo sida oo kale dib u dhiskii dalka, waxaanu u mahadnaqay cidii aasaastay xaruntan khayariga ah.Guddomiyaha dalada dhalinyarada ee SONYO Mubaarak Ismaaciil Taani oo ku hadlayey magaca dhalinyarada oo isaguna madashaa ka hadlay ayaa sheegay sida uu illaa hada ugu taagnaa Suldaan Xasan Bare in dhalinyarada wax la’la qabto iyo sida oo kale ka qaybqaadashadii suldaanka ee dhalinyaradii UFO,waxaanu Alle u waydiiyay inuu naxariistii jano ka waraabiyo.

Marwada madaxweyne Siilaanyo, Aamina Maxamuud Jirde ayaa si kooban halkaas uga sheegtay in Suldaan Xasan Bare uu dadka Somaliland ka mutaystay in loo aasaaso xaruntan samofal, waxaanay Alle u waydiisay in uu naxariistiisa jano ka waraabiyo.Suldaan Yuusuf Mumumed Xiirey ayaa ka waramay isaguna dhankiisa taariikhda Suldaan Bare waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeediyay dadkii xafladaas soo maamuusay, isaga oo xusay in xaruntan samofal ee loogu magac daray Suldaan Xasan Bare ay u baahan tahay taageero.

Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo isaguna madashaa ka hadlay waxa uu sheegay inay wax badan ka anfaceen talooyin uu siiyey xafiiskiisa dawladda hoose, isaga oo Alle u waydiiyay inuu naxariistii jano ka waraabiyo Suldaan Xasan Bare.Waxaa isaguna madashaa ka hadlay Suldaan Maxamed Suldaan Barre oo aabihii ka dhaxlay saldanada Suldaanimada waxaanu sheegay inuu matali doono  dhaqankii aabihii, isla markaasna uu ka shaqayndoono arimaha danta guud, isaga oo iftiimiyay in xarunta Samofal ee aabihii loogu magacdaray ay shaqadeeda ku bilaabi doonto dhismaha biriishka Dacarbudhuq oo ah dooxii aabihii ku geeriyooday.

Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade iyo wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ururkan samofal ee loogu magacdaray Suldana Xasan Bare, waxaanay ka hadleen taariikhdiisii wanaagsanayd.

Gabogabadii xafladdaasi waxaa ka hadlay Madaxaweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiramaan Cabdilaahi Saylici waxaanu sheegay inaanu wax badan ka sheegeyn taariikhda Suldaankaas geeriyooday  waxse uu sheegay inay ka xukuumad ahaan gacan ka geysan doonaan taageerada xaruntan loogu magacdaray Suldaan Barre Warsame Shire, sida oo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku uu ku dhiiri galiyay salaadiinta dalka inay galaan kaalintii Suldaan Xasan Bare.