Hargeysa: Munaasibad Lagu Soo Dhaweeyay Arday Cusub Oo Ku Soo Biirtay New Generation

0
566

Picture2Hargeysa(Geeska)-Munaasibad lagu qabtay jaamacada New Generation ayaa lagu soo dhaweeyay arday cusub oo ku soo biiray jaamacada New Generation.

Xafladan waxa ka soo qayb-galay masuuliyiinta jaamacada, xildhibaano,aqoonyahan, ardayda wax ka barata jaamacada iyo marti sharaf kale.ardaydan ayaa isugu jiray arday cusub oo jaamacadaas ku soo biiray iyo kuwo ka soo badashay jaamacado kale.

Guddoomiyaha jaamacada New Generation Prof. Maxamed Cabdi Axmed ayaa si qoto dheer u sharaxay maraaxilkii ay jaamacadu soo martay iyo guulaha ay jaamacadu gaadhay  muddadii ay jirtay , isagoo ardayda cusubna ku soo dhaweeyey jaamacada amaan iyo bogaadina u diray bahda jaamacada.

Xildhibaan Axmed Dirir oo ka mid ah munayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dhiniciisa iftiimiyey iskaashiga iyo horumarka,waxbarashadu kaalinta uu ka qaato talaabooyinka lagu horumarinayo adeegyada bulshada.

Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf iyo Dayib Nuur oo ka mid Ah maamulka iyo macalimiinta ayaa madasha ka soo jeediyey hadalo qiimo badan xambaarsanaa sida ay ugu faraxsan yihiin ardayda ku soo biirtay jaamacada New Generation oo  ay ku tilmaameen jaamacad tayadeeda aqoontu sarayso,isla markaasna xarunta Midawga Afrika ay ku qalinjabiyeen ardaydii hore ugu baxday, taas oo wax weyn ka tari karta aqoonsiga Somaliland.

Xubno ka mid ah ardayda cusub ee munaasibada loo qabtay iyo ardaydii hore ee jaamacada ayaa si isku mid ah ugu mahadnaqay maamulka iyo macalimiinta jaamacada New Generation ee Hargaysa.

Gabagabadii munaasibadaasi ayaa maamulka sare ee jaamacadu waxa uu shahaado sharafyo ku maamuusay macalimiinta iyo shaqaalaha dadaalada muuqda la yimi mudadii ay jaamacadu shaqaynaysay waxqabadkoodaas oo jaamacada gaadhsiiyey horumar la taaban karo.