Hargeysa: Kulan Cilmiyeedkii Dhaqaalaha Islaamka Oo Masajidka Cali Mataan Lagu Soo Gunaanaday

Published on Apr 08 2014 // Warar

Picture3Hargeysa(Geeska)- Waxa xalay  la soo gabo-gabeeyay Muxaadarooyinkii Taxanaha ee 2dii April ilaa 7da April, 2014 ka soconayay Masaajidka Cali Mataan. Kulamadaasi cilmiga ah ayaa waxa halku-dhig looga dhigay:  “Nidaamka Dhaqaalaha Islaamka & Saamaynta uu ku leeyahay” waxana ka qaybgalay 11 qof oo isugu jira Culimada ugu waaweyn wadanka, khubaro aqoon u leh Mucaamalaadka Maaliga ee Islaamiga ah, Dhaqaalaha iyo garyaqaano.

Mowduucyadii kala duwanaa ee lagaga hadlay kulan cilmiyeedkaasi waxay taabanayeen:
Iibka Xalaasha ah & Ribada, Bangiyada islaamka ah & Kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta Bulshada, shaqaysiga xalaasha ah, istaageerada (takaafulka) Bulshada iyo bandhig ku saabsan waayo-aragnimo iyo tajribooyin la xidhiidha guuldarrada Nidaamka Dhaqaalaha Ribowiga ah iyo guusha Dhaqaalaha Islaamiga ah.

Gabo-gaboadii waxa la soo bandhigay dood cilmiyeed lagu falanqeynayo arrin hadda taagan oo ku saabsan Somaliland oo looga ololeynayo sidii loo meel marin lahaa xeer baneynaya in ay wadanka ka shaqeeyaan hay’adaha Maaliyadeed ee ribawiga ah.

Haddaba, kulankaasi 6 maalmood qaatay waxa ka soo baxay war-murtiyeedkan oo isugu jira baaq iyo tallooyin loo jeedinayo Bulshada, Xukuumadda, Baarlamaanka & Ganacsatada.

Qodobada baaqa oo ka kooban 9 qodob waxay u dhigan yihiin sidan:

In ganacsigeena iyo mucaamalaadkeena aan ku saleyno Shareecada Islaamka, waayo waa nidaamka ugu wanaagsan ee Allah (swt) inoo dooray.

In lagu dedaalo Kasbashada Xalaasha, oo laga dheeraado waxkasta oo ka horimanaya tiirarka Xalaasha, oo ay ka mid yihiin; ribada, qishka iyo khiyaanada (sida in bulshada laga iibiyo alaabo xumaatay ama dhacday, mid caafimaadka waxyeelaysa, miisaanka oo la nusqaamiyo iwm).

Ribadu waa shay xaaraan ah, mana bannaana in wadanka laga hirgeliyo Xeer fasaxaya; waxana ay ka horimanaysaa Kitaabka Illaahay (swt) iyo Sunada. Waxa kale oo ay lid ku tahay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, qodobkiisa 5aad, Qodobkiisa 14aad, faqradiisa 7aad iyo Xeerka Bangiga Dhexe ee Somaliland.

Dadka Gudaha iyo dibaduba ina anay la maacaamilin Baananka ribada ku shaqeeya ee ay la macaamilaan kuwa islaamiga ah. Sidoo kale ma bannaana in laga shaqeeyo Bangiyada Ribada ah.

In Ganacsatadu ay bulshada u naxariistaan oo aanay faa’iido badan saarin, hadday noqoto Baananka Islaamiga ah iyo Ganacstada kaleba.

Baananka islaamiga ah in ay ku dhiiradaan Nidaamyada Mushaarakada iyo Mudaarabada, oo ah maalgelin dhiirigelinaysa wax-soosaarka iyo koboca Dhaqaale, balse aanay ku ekaanin Muraabaxada.

Golaha Wakiiladu waa in ay ka digtoonaadaan in laga doodo iyo in la soo bandhigo Xeer ka horimanaya Kitaabka Illaahay (swt); arrintaasi oo sidoo kale toos uga horimanaysa Qawaaniinta iyo Dastuurka Wadanka.

In Bulshadu ay ku dedaasho in ay iskafaalo qaado, is takulayso, iskaashato. Wanaaga ummaduna waxa uu ku jiraa isku-tiirsanaanta iyo is kaashiga bulshada dhexdeeda.

In la dhiirigeliyo nidaamka Zakada, lana sameeyo Hay'ad ama Sanduuq lagu ururiyo Zakadda si sannadkasta xubno ka mid ah Bulshada looga saaro faqriga.

In bangiga dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland uu tayeeyo isla markaano koriyo oo kobciyo Baananka Islaamiha ah ee Wadanka ka jira.

In cid kasta oo lug ku leh mashruucaas Xeerka Ribadu ay Rabbigood ka cabsadaan oo aanay Umadda ku jidayn Jid Dhuxuleed adduun iyo aakhiraba lagala xisaabtamo.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!