Hargeysa: Khamri La Soo Qabtay Iyo Dadkii Watay Oo La Xukumay

0
637

Picture1Hargeysa(Geeska)-Ciidamadda booliska ayaa dooxa raaciyay kun iyo kontan litir oo khamri ah, kaas oo eedaysanayaashii sitayna ay maxkamaddu ku xukuntay saddex sano oo xadhig ah iyo ganaax.

Khamrigan oo ku jiray 35 jirikaan waxa siday laba nin oo lagu maxkamadeeyay, waxaana lagu soo qabtay degmada Faroweyne ee ku taala xuduuda Somaliland iyo Itoobiya, taliye ku xigeenka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa isaguna dhankiisa u mahadnaqay ciidanka booliska.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Gobolka gobalka Maroodi-jeex  Garsoore Xuseen Maxamed oo ugu horayntii xukunkaas ay qaadeen ka hadlaayay waxa uu yidhi”Maxkamadu iyada oo hab-raacaysa qodobka 103 ee xeerka ciqaabta guud waxa ay u akhriday eedaysanayaasha una sharaxday saddexda jawaabood ee ay ku jaabi karaan eedaysanayaashu,eedaysanaha kowaad waxa uu maxkamada horteeda ka qirtay inuu isagu siday khamriga galayna danbigaas,ka labaadna waxa uu sheegay inuu isagu rakaab ahaa isla markaana waxa ku cadeeyey askartii ku soo qabatay hawl-galkaasi,maxkamaddu marka ay aragtay cadaynta hortooda taala oo ah 35 shirkaan oo khamri ah.waxa ay ku xukuntay danbiilayaasha kala ah Maxamed Ismaaciil Aadan 35jir Ina Aniisa sadex Sanadood Oo Xadhig Ah Iyo Saddex Milyan Oo Ganaax Ah Eedaysanaha 2-aad Cabdi Yuusuf Axmed 23jir Ina Aamina sadex Sanadood Oo Xadhig Ah Iyo Saddex Milyan Oo Ganaax Ah qodobka 2aad maxkamaddu waxa ay isna xukun ku riday gaadhigii Seerafka ahaa ee siday khamriga shan boqol oo ganaax ah.”

Dhinaca ka  isna waxa halkaasi ka hadlay taliye ku xigeenka ciidanka booliska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle waxaanu sheegay inuu hambalyo udirayo ciidankaas soo qabtay khamrigan”Halkan Maanta waxa ay maxkamaddu ku xukuntay Khamri ay soo qabteen ciidanka boolisku oo dhan kun iyo kontan litter oo khamri ah waxaana soo qabtay saldhiga Faro Wayne ee qaybta galbeed waxaanan aad ugu mahad naqayaa ciidanka booliska ee ilaaliya shuruucda dalka utaala, waxaana aad u amaanayaa taliyaha saldhiga galbeedka iyo ciidankiisa ee hawl galka adag ugu jira sidii ay dalka ugu bad-baadin lahayeen mukhadaraadka iyo xashiishada.”