Hargeysa: Ayax Geedi Ah Oo Shalay Ku Hakaday Caasimadda

0
962

Picture4Hargeysa(Geeska)-Ayax tiro badan ayaa shalay ku habsaday qaybo ka mid ah magaaladda Hargeysa, ayaxaas oo kooxo kooxo u socda ayaa dhanka galbeed ka soo galay Hargeysa, waxaanu ku sugnaa muddo saacado ah isaga oo ku degay wixii dhir ah ee uu arkay.

Ayaxan oo mudooyinkii ugu danbeeyayba isku soo maray qaybo badan oo ka mid ah Somaliland, ayaa ugu horayntii lagu arkay xeebaha waqooyiga ee Somaliland, waxa uu u gudbay deegaanadda Saylac,waxaana maalmihii u danbeeyay uu joogay deegaanada Awdal oo uu u soo dhaafay Hargeysa.

Wasaarada beeraha Somaliland ayaa ku dhawaaqday markuu ayaxani maraayay deegaanada waqooyiga Somaliland in la buufiyay, isla markaasna daawadii lagu buufiyay uu ka awood badiyay, waxaana wasaaradu haayadaha arimahani la xidhiidhaan ay ka codsatay in da’daal kale la muujiyo si ayaxan loo xakameeyo.

Ayaxan soo gaadhay Hargeysa ayaa u sii dhaafay dhanka deegaanada waqooyiga,waxaana lagu arkaayay saalo tiro badan oo uu ayaxaasi soo daadinaayay. Ayaxan ayaa laga cabsi qabaa inuu waxyeelooyin u gaysto dhul beereedka Somaliland iyada oo hadda uun la sii galaayo xili roobaadkii oo inta badan  dalagyo kala duwan ay beeralaydu ku beerato.