Hargaysa Iyo Xaaladeeda Maalmahan Qalinkii: Mujaahid Cali Xaraaro

0
730

Ayaamahan magaalada Hargeysa waxa ka jira kuleyl xad dhaafa, shalay iyo maanta ayey uugu sii darnayd, in kastoo xiligu yahey sideynu Illaahey uuga baraney xiliyadii innoogu Roobka badnaan jirtey, hadana weli lama hayo Roobkii gu”ga.

Siduu Doonaba Yeele Waa ILaaha Inna Abuurey, Alow Sahal Amuuraha, xaaladu wey nagu adagtahay, Noo Gurmo Alahayoow. Caawa waxaan arkey noolaha kala duwen ee cagta dadku ku joogsato oo banaanada iyo gidaarada is daba sumsumaya sida; Qunaanjada, Jinaca, Daba Qalooc, iyo kuwo kaleba, hadaad maalintii dhex marto magaalada Hargeysa waxaad arkeysaa, sida; Xoolaha, Eyda, Dameerada, Bisadaha, Daayeerada, oo kuleylka iyo haraad iskugu darsamay, waxa kasii daran dad fara badan ee xanuun sanaya ama Maskaxda wax uuga dhiman yihiin oo kuleyl iyo haraad isku raaceen waxna aanad u qaban kareyn, waxa intaas dheer dadka masaakiinta ah ee dawerseda oo kuleyl iyo haraadba qaba oo hadana naftu wado dariiqyadana taagen, waxa kaloo jira oo aad arkeysaa xaafadaha dhexdooda dumar raashin bisil ururinaya oo u geynaya qoysas jiiraan kooda ah oo saddex ama laba cisho dab loo shidin oo ka xishoonaya dawarsiga, ka darsoo hadaad xaga suuq weynaha u kacdo waxaa toos kuu soo waajahaya sicir barar iyo xaaladii danyarta oo meel adag mareysa oo goyn kari la maceeshadii, hadaba markey Hargeysa halkaa mareyso maxaad u maleyn xaaladii miyiga iyo dadkeenii? Jawaabtaasi adiga ayey kuu taal,

Dhanka kale Huteelada waaweyn hadaad gaadho waxaad ku arkeysaa konton Wasiir mid waliba uu wato gaadhi qiimihiisa lagu sheegey lixdan ilaa sideeten kun oo doolar, markaad hore u sii soctid waxa ku soo gaadhaya sawaxanka iyo mashxarada kasoo kaaga imanaya hoolasha kuu dhow waxaad maqleysaa xukuumadii iyo xisbigeedii ayaa xafled soo dhaweyna u sameynaya koo ku soo biirtey, waxa kasii daran oo aad maqleysaa Maayarkii magaalada Hargeysa ayaa isla xafladen kaga dhawaaqey labaatan kun oo doolar inuu ku caawiyey murashaxa xisbiga Kulmiye isla markaana waxaad maqleysaa Maayarka oo la amaanayo oo la leeyahey kharashka xafleda isaga ayaa bixiyey, kasii soco waxaad la kulmeysaa dad weyne qaylinaya iyo ciidamo hubeysan oo is hor taagen iyo dawladii hoose oo sheewelo gelisey kuna dumineysa deyrar fara badan, in yar ka dib waxaad maqleysaa Huteel ay furaneyso marwada m/weynhu ayey deyrarku fool xumeeyeen sidaa awgeed ayaa loo duminayaa, intaas maanta ha inoogu joogto xaaladaha kala duwen ee magaalada Hargeysa.

Qalinkii: Mujaahid Cali Xaraaro