Hantidhawrka Oo Xidhay Xafiisyada Shirkada Madaarada Somaliland U Qaabilsan Ammaanka

52
3772

Hargeysa(Geeska)-Hantidhawraha qaranka ee Somaliland Axmed Yuusuf Dirir ayaa sheegay inay xidheen xafiisyada shirkada madaarada Somaliland u qaabilsan amaanka oo ay baadhitaan ku samaynayaan.
Waxa uu hantidhawrka qaranku sheegay inay soo saari doonaan baadhitaanka arintaas la xidhiidha isla markaasna haatan ay xidheen xafiisyada lacag qabashada iyo ka maamulka shirkadan oo loo soo gaabiyo magaceeda SRM.

Hantidhawraha qaranka oo saxaafadda la hadlay ka dib hawlgalkaas ayaa yidhi “Bislaahi raxmaani Raxiim horta inaanu Xafiis Xidhno dakhli qabanayaa Waa Shaqadayada Maalinlaha ah ee Caadiga waxaananu qaranka u xilsaaranahay inaanu la socono xafiisyada kala duwan ee soosaarka dakhliga,Tana waxa uunbay ka mid tahay Shaqadayada maalinlaha ah ee joogtada ah aanu qaranka u hayno way jirtaa inaanu shalay tagnay xafiisyada madaarada Somaliland ugu xilsaaran amaanka ee magaceeda loosoo gaabiyo SRM, Shirkadaas Sharciga ayaa Noo Fasaxaya Haddii uu yahay Ka Baarlamaanku Ansixiyey iyo hadii uu yahay ka tafaaliifta madaarada ee 76-/2016 ee xeerka hantidhawrka guud ee qaranka Somaliland.
Markaa Anagoo Waajibaadkayagii Dastuuriga ahaa fushanayna Ayaanu Galnay Xafiisyadaasi waanay jirtaa arrintaasi.waxaa intaa dheer inaanu xidhnay xafiiskii maamulaha shirkada iyo xafiiskii xisaabaadka iyo lacagta ee shirkadaasi oo lanoo xaqiijiyey in labada masuulba dubai ku maqan yihiin, markaa inta ay imanayaan si baadhistayadu usii socoto markaa waxaa noo fasaxaya sharciyada baadhista hantidhawrka haddii la waayo masuulkii xafiiska in uu noo xidhnaado ilaa uu ka imanayo qofkii shaqada gacanta ku hayey markaana aanu gudo galno baadhista.markaa wixii ka danbeeyey marka aanu shaqadayadaa ka qabsano xafiiska sidii loogu talo galay ayuu u shaqayn doonaa insha allahu tacaalaa, waana wax inta badan dhacda in marka xafiiska saraakiisha hantidhawrku ka waayaan xafiiska ay awood u leeyihiin inay xidhaan ilaa inta uu ka imanayo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here