Hantidhawrka Guud Ee Qaranka Oo Qufushay Xafiisyo Dawladda Hoose Ee Hargeysa Ah Oo Uu Baadhis Ka Bilaabay

0
1213

Hargeysa(Geeska)-Hantidhawrka guud ee Somaliland ayaa albaabada isugu dhuftay xafiisyo ka tirsan dawlada hoose ee Hargeysa oo ay ka bilaabeen baadhitaano galinkii danbe ee shalay, waxaana la arkaayay iyada oo khasnadaha lagu dhajinaayo warqado muujinaaya in aan la furi karin.

Agaasimka baadhitaanada kala duwan ee xafiiska hantidhawrka Somaliland Cali Sheekh Maxamed Axmed ayaa sheegay in aanay cusbayn baadhitaanadu ee ay yihiin waajibaad shaqo, waxaana telefishanka qaranka laga sii daayay iyadoo ay saraakiisha hantidhawrku su’aalo weydiiyaan masuuliyiin ka tirsan dawladda hoose ee Hargeysa.

Agaasime Cali oo u waramay telefishanka qaranka wuxuu yidhi “Waxa in muddo ahba uu xafiiska hanti dhawrka guud uu waday hawlgalo baadhiseed  oo khuseeya dhinacyada xisaabaadka, waxa uu xafiisku ka shaqeeya oo waajibaadkiisa shaqo uu yahay in xili walba uu u taagnaado sidii loo ilaalin lahaa hantida umadda, maaha mid ujeedo gaar ah wadata ama si gaar ah loo bartilmaameedsaday  cid gaar ah waa hawlgaladii uu xafiisku samayn jiray ee shaqadiisa ahaa ayay ka mid tahay tan maantana, waxa laga yaabaa in loo arko inay wax cusub tahay xiliyada aan la shaqaynayn ee aanu anagu hawl galada samaynayno waxa ay ka mid tahay noocyada baadhiseed ee  uu xafiisku sameeyo baadhistanina mid ka mid ah hawlgaladii intii dhawaydba socday oo waliba aanu sii dardar galinay, maaha wax hada cusub iyo wax cid gaar ah lagu bar tilmaameedsanaayo.”

Ma jiro wax war ah oo ay madaxda dawladda hoose ee Hargeysa ka soo saareen hawlgalka hantidhawrka guud ee qaranka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here