Hanti-Dhawraha Cusub Oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay

23
3438

Hargeysa (Geeska)-Hanti dhawraha guud ee qaranka Axmed Yuusuf Dirir, oo uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay sida uu u arko xilkan loo magacaabay,waxaanu ku baaqay in hantida qaranka ee umaddu wada leedahay in la ilaaliyo, xil gaar ahna la iska saaro, isagoo xusay in waajibaadkiisa qaran uu si daacadnimo ku dheehan tahay u gudunaayo.

Hanti dhawraha guud ee qaranka Axmed Yuusuf Dirir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horayn yidhi  “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudddane Muuse Biixi Cabdi, waan uga mahadnaqayaa xilkan uu ii magacaabay, waxaana ALLE ka baryayaa inuu xilkan uu igu asturo,  Waajibaadkayga qarana sida uu sharcigu dhigaayo ayaan insha allaahu u gudunayaa, waxaan se Xukuumadda, Shacabka iyo cid kastaba leeyahay waa inaynu wada ilaalinaa hantida qaranka, cid gaar ahna ma leh ee umadda ayaa wada leh”.

Hanti dhawraha guud ee qaranka mar aanu wax ka weydiinay waxa ka jira in laga daba tagayo heshiisyada ay Xukuumaddii hore ay la gashay Shirkado iyo Shakhsiyaad gaar ah, heshiisyadaas oo la sheegay inay qaar badani ahaayeen sharci daro ayaa ku jawaabay “Wali xilkii lamaan wareegin beri (maanta), ayaan la wareegi doonaa, haddii ALLE idmo, balse markaan xafiiska fadhiisto ee aan dib u eegis ku sameeyo ayey imanaysaa wixii laga daba tagi karo,waana waajibkayga in hantida umadda ilaaliyo, oo wixii khaldan aan saxo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here