“Haloo Gurmado Dadka Ay Abaaruhu Ku Habsadeen”Axmed Cabdi-dheere

0
453

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa ka hadlay xaalada dalka, gaar ahaan abaarta, waxaanu sheegay in abaartii sii adkaatay, oo wakhti adag oo kululna lagu jiro, loona baahan yahay in aan la is dhigin, ee la iskaashado, oo dadka ay abaartu hayso, ee dhiban in loo gurmado, oo wax la taro.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika  ayaa sidoo kale ka hadlay xanuunada dilaacay ee ay sababtay abaartu, waxaanu yidhi “Abaartu muddo ayey ina haysay, ilaa haddana wey ina haysa, oo wey ka sii dartay, waxaana iskugu keen darsamay abaartii oo sii adkaatay, kaliil aad u kulul iyo xanuuno dilaacay, marka hore yeynaan ka quusan nimcada ILLAAHAY, ee bariyadiisa aynu badino, mar labaad aynu isku gargaarno, oo aynu gacmaha is qabsano, oo cid gaar ah yeynaan ku halaynin ee dadkeena abaartu aafaysay, ee xoolihiina ka baxeen,  aynu miciin u noqono, oo waa tii Xukuumaddu aad uga dadaashay gurmadka Abaaraha, walina wey wadaa, Xisbiyaduna waa kuwii ka qayb qaatay, ugu yaraan Ardayda Dugsiyada hoose, dhexe iyo sareba waa kuwii ka qayb qaatay, ee waxa iga talo iyo waano ah aynu gurmadka sii wadno”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, ayaa dhanka kale ka hadlay xanuunka shuban biyoodka ee ka dilaacayo deegaano ka tirsan Somaliland, waxaanu ILLAAHAY uga baryey dadkii cudurkan ku dhintay, inuu jannadii ka waraabiyo, kuwa u xanuunsanayana inuu ka dulcaado, oo uu caafimaad siiyo, waxaanu soo jeediyey in xooga la saaro sidii loo dabar jari lahaa oo meesha looga saari lahaa cudurkan Shuban Biyoodka,