Halkudhegyo Xikmadaysan Oo Dhaqanno Kala Duwani Ay Dumarka Iyo Dabeecaddooda Ka Yidhaahdeen

0
1013

– Jacaylku gabadha karaamo dhawrashada ayaa uu ka qaadaa, hinaasuhuna jacaylkuu illowsiiyaa.

– Gabadh jacayl neceb waa gabadh jacaylka hoog ka soo martay uun

–  Gabadha daba orod waa ay kaa ordi, ka orod waa ay ku daba ordi

– Gabadhu waa noole leh maskax awood u leh in hal mar ay 77 ra’yi/ wada xambaarto.

– Gabadhu waa sida adduunyada oo haddii aad jeclaato waa ay ku dayaci, haddii aad dayacdana waa ay ku jeclaan.

– Gabadhu waa ay dhaaftaa qallafsanida iyo dulmiga lagula kaco, laakiin abidkeed ma saamaxdo dayacaadda iyo danayn la’aanta ay la kulanto.

– Gabadha ‘Haa’ deeda iyo ‘MAYA’ deeda masaafadda u dhexeysaa irbad ma qaadi karto.

– Ninku wax yarna waa uu ku qancaa wax badanna waa uu fishaa, gabadhuna wax badanna waa ay fishaa, waxyarna waa ay ku qanacdaa.