Halkudhegyo Xikmad Xambaarsan Oo Laga Reebay Dad Taariikhda Dunida Magac Ku Leh

57
7563

Hargeysa (Geeska)- Qormadan waxa aynu ku eegaynaa hadallo xikmad ah oo laga soo xigtay dad taariikhda dunida caan ku ah:

– “Weligayba ujeedkayga kama aan baydhin. Waa uun dhowr tallaabo oo aan dib u faagtay, si aan bootintayda u dheereeyo” Sigmund Frued. Guuldarradaada u aqoonso in ay tahay uun sida dib u gursashadaas aad doonayso in bootintu kuu dheeraato.

– “Si aad riyadaada run uga dhigto, waxa ugu horreeya ee ay tahay in aad samaysaa, waa in aad baraarugto” Andrew Carnegie.

– “Quwaddu waa in aad carrabkaaga ka adkaato marka aad cadhooto” Napoleon Bonaparte.

– “Guul waxa uun gaadha kuwa isku daygooda joogto ka dhiga, iyaga oo arrimaha dhinaca togan ka eegaya” Friedrich Wilhelm Nietzsche

– “Jacaylka weligaa ha hiifin, waxaa hiifka leh qofka aad u dooratay jacaylkaaga, ee jacaylku eed malaha” Nasaar Qubbaani.

– “Ninka cuskada gabadh jecel, weligii ma dhaco” Mark Twain.

– “Waxa aad kulligii xaqa u leedahay, badhkii ha ku qancin” Jubraan Khaliil Jubraan.

– “Ma jiro qalbi aan ka hooyadaa ahayn oo duruuf kasta iyo waqti kastaba kuu soo jeedaa”

– “Ha quusan, waxaa dhici karta in waxa maanta ku xanuunjiyey, uu berri sabab u noqdo xooggaaga” Suqraad.

– “Marka uu Gudcurku jiro ayuun baad garataa cidda ay yihiin xiddigaha noloshaada ilayska u noqon kara”

– “Samayso bartilmaameed iyo himilo, aanay gaadhisteeda kaa hor istaagi karin duruufaha iyo dhacdooyinka ka soo soke maraa” Aldous Huxley

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here