Halkudhegyo Duruus U Noqon Kara Nolosha

0
1193

Hargeysa (Geeska)- Qoraaga caanka ah ee reer Masar, Aniis Mansuur ayaa buuggiisa ‘Qaaluu’ oo macnihiisu noqonayo ‘Waxa ay yidhaahdeen’ waxa uu ku soo bandhigay halkudhegyo xiise badan oo la xidhiidha dumarka, ragga iyo guud ahaan nolosha. Halkudhegyadaas oo aynu qaarkood Afsoomaali u rognay waxaa yihiin:

– Jacaylku waa sida malabka sun lagu daray, oo dhibaatadiisa waxa uun la gartaa goor aan waxba laga qaban karin.

– Muusikada arooska iyo muusigada dagaalku waa ay is shabbahaan, waayo labadaba loollan hortii ayaa la tumaa.

– Dadka ugu badan ee nolosha nacdalaya (Ka cabanayaa) waa ruux marka uu afartan jir gaadhay doonaya in uu nolosha ka helo wax uu ka heli lahaa haddii uu weydiisan lahaa markii uu 20 jirka ahaa.

– Marka aad farta ku fiiqayso qof aad tuhunsan tahay, bal gacantaada hoos u eeg, waxa aad arki saddexdaada farood (Suulka laga reebo) oo xaggaaga iyaguna ku soo fiiqan.

– Gabadhu haddii ay go’aansato in ay sharafteeda dhawrato waxa ay awood u leedahay in ay in ay ceeb ka fogaato iyada oo ku dhex nool ciidan rag dumar u oon qaba ah.

– Guurku waxa uu liddi ku yahay xumadda, waxa ay ku bilaabataa kulay, qabowna waa ay ku dhammaataa.

– Si kasta oo u uu u wanaagsan yahay xidhiidha adiga iyo xaaskaagu, waxa aad ogataa mar kasta in caleentii hooyadeed Xaawa ay ka dhaxashay aanay weli tuurin.