Halkudhegyo Cibaaro Iyo Xikmad Ku Kordhin Kara Isfahamka Ragga Iyo Haweenka Iyo Guud Ahaan Nolosho

0
7970

– La doodista dumarku waa dugsiga ugu fiican ee lagu sheegan karo aftahannimo, waayo waa hadal aan kaaga baahnayn maangalnimo in aad u eegto, iyo in aad hubiso in waxa aad leedahay uu yahay wixii run ahaan niyaddaada ugu jiray.

– Ninku waxa uu u guursadaa raaxo doon, gabadhuna waxa ay u guursataa barasho doon, labaduudubana doonistooda waa ay ku hungoobaan.

– Mar kasta oo jacaylka lammaanaha ka dhexeeyaa yaraado, waxaa korodha ceebta uu midiba kan kale ku arkayo.

– Nin gabadh guurkeeda ku eexaystay lacag iyo adduun waa nin go’aansaday in uu xorriyaddiisa dhammaanteed iibiyo.

– Qofka caqliga lihi waa ka si waalli ah wax u jeclaada.

– Gabadhu iyada ayaa samaanta iyo samofalkaba ragga bartay.

– Gabadha aad jeceshay maalkaaga ayey qaadataa, laakiin gabadha aad guursataa maalgaaka iyo adigaba waa ay idin qaadataa.

– Ninku waxa uu gurigiisa galaa isaga oo ku faraxsan in uu gurigii galay, waxa aanu ka baxaa isaga oo ku faraxsan in uu mar uun bannaanka uga soo baxay.

– Marka aad faras ama gabadh dooranayso, hawl kale ha gelin ee inta aad indhaha isku qabato Alle talo saaro.

– Gabadhu bulshada dhexgelkeeda waxa ay nacdaa hadba inta ay quruxdeedu tahay. (Maalinta ay qurux badan tahay ma jecla in ay bulshada ka fogaato, maalinta ay qurux badan tahayna cidi in ay aragto ma jecla)

– Guurka kadib ninku waxa uu eegaa xaaskiisa, markaasaanu arkinba, (Sidii uu u fahmi jiray uma fahmo), gabadhuna iyada oo aan eeginba ayaa ay aragtaa ninkeeda.

– Cimrigeenna marka laba loo qaybiyo, qaybta hore waxa waqtiga ugu badan aynu ku qaadannaa in aynu ka fikirno mustaqbalka oo dabcan ah qaybta dambe, marka aynu qaybta dambe gaadhnana waxa aynu waqtigeenna ugu badan ku qaadannaa in aynu u oyno qaybtii hore ee aynu ka soo gudubnay.

– Lammaanaha farxadda ku waaraa waa kuwa sida maqaska noqda ee mar kasta u dhaqaaqa laba jidh oo iska hor imanaya, ciddii soo dhexgashana sida maqaska u jara.

– Gabadhu waxa ugu badan ee ay guurka kadib ka shaqaysaa waa in ay maskaxda ninka ku beerto dareen ah in uu gaboobay, aad u taagdaran yahay, kifaac adduun oo dambana aanu geli karin, sababta ay sidaa u leedahayna waa in aanu u qaadan in gabadh kale wax ku fali karto.

– Noloshu iyadaaba cudur ah, waxaana caddaynaysa sida ay geeri ugu dhammaanayso.

– Dhakhaatiirta casrigan ma’ fahmo, waayo sidii waayo-waayo lagu yaqaannay bukaanka dawo uma qoraan, ee cudurka laftiisii ayey dawada ku daweeyaan.