“Halkaynu Hiigsananayno, Weynu Gaadhi Doonaa”

0
1165

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi

Hargeysa (Geeska)- Suldaan Xasan suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa ka hadlay qiimaha ay qaranimadu leedahay, waxaanu talooyin iyo waano u soo jeediyey guud ahaan Shacabka reer Somaliland, oo uu ugu baaqay inay qaranimadooda meel uga soo wada jeedsadaan, isku mawqifna ka ahaadan.

Suldaanka guud ee Subeer Awal, Suldaan Xasan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “27 Sanno, ayeynu Dawlad ahayn, muddadaas aynu jirnay, ee aynu madax banaanayn, wax badan baynu inagu iskeen u qabsanay, iyada oo aanay cid kale inaga caawin, ALLE ayaa ina garab galay, duruufo badan oo adag baynu ka soo gudubnay, waxaan se iga talo iyo dardaaran ah inaynu ahaano kuwa isku duuban, oo wada jirkooda ka taliya, mawqifkeena iyo halkaynu hiigsananayna weynu gaadhi doonaa, calankeena tawxiidka ALLE ku qoran yahayna waligii wuu jiri doonaa”.

Suldaan Xasan mar uu baaq u diraayey Shacabka ayaa yidhi “Shacabka Somaliland, waa Shacab aad iyo aad u wanaagsan, waa Shacab qarankooda iyo dalkooda jecel,waxaana kula talinayaa inay ahaadan kuwa mar walba isku duuban, oo wax wada qabsada, waxaan kula taloinaya inay noqdaan kuwa nasteexa dhexdeeda ka shaqeeya, waxaynu inagu cid walba dheeran nahay oo aynu ka fiicanahay waa sida fiican ee khilaafadkeena u xalisano, ee ALLE wax walba ha inoo wanaajiyo”.

Suldaan Xasan mar uu ka hadlaayey Sannadka cusub ayaa yidhi “Haddii Rabi ka dhigo Sannad cusub ayaa inoo bilaabi doona, oo ah sannadka 2019, ALLE waxaan inooga baryayaa inuu inoo noqdo Sannad khayr, oo wanaagiisa iyo  badhaadhihiisa wata”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here