Hal Sano Ayaa Aanay Wejigeeda Ka Tirin Is-Qurxinta (Make Up) Iyada Oo Ka Cabsi Qabta In Odaygeedu Uu Arko Muuqaalkeeda Runta Ah

0
760

Washington (Geeska)- Gabadh u dhalatay dalka Maraykanka ayaa muddo hal sano ah si joogto ah wejigeeda ugu ilaalinaysay bootarrada iyo is qurxinta afka qalaad lagu yidhaahdo MAKE UP iyada oo ka taxaddaraysa in mar keliya uu saygeedu arko iyada oo caadi ah si aanu u arkin wejigeeda runta ah.

Sida ay ku warrantay tifatiraha qaybta is-qurxinta ee bogga internet ka ee Cosmopolitan oo ka faallooda arrimaha haweenka, gabadhan muddada sannadka ah wejigeeda qarinaysay magaceedu waa Looney Fenty waxa aanay xogteedan u sheegtay si ay uga digto in ay caadaystaan isticmaalka kiriimada, bootarrada iyo habaka weji-qurxinta ah, oo ay sheegtay in ay dhibaato ku keenayso muuqaalkooda dabiiciga ah.

Looney ayaa gabadhan tifatiraha ah oo ay aad u saaxiib yihiin u sheegtay in ninkeeda markii ay is guursadeen ay muddo ku dadaashay in aanu Makeup ku mar keliya wejigeeda ka tirmin, xitaa marka ay shaqo iyo hawlguriga ah ka wada shaqaynayaan. Marar badan oo ay dhici jirtay in aanay maalmo iyo muddo mar keliya kala tegin xitaa waxa ay ku dadaashay in uu wejigeeda oo aan Makeup marsanayn arko.

Tusaale ahaan marka ay hurdada u sii diyaargaroobayso waxa ay tegi jirtay xamaamka oo ay si fiican u sii marsan jirtay, aroornimadana waxa ay caado ka dhigatay in ay odayga oo weli hurda toosto, oo ay si dhaqso ah iyada oo aan sii galgalan toos u tagto xamaamka si ay u soo cusboonaysiisato Makeup ka, iyada oo ka warramaysa dareenka uu arrintan ku qaabili jiray saygeeda oo magaciisu yahay Arty waxa ay tidhi, “Arty kama uu faalloon jirin arrintan, marka laga reebo marka uu sariirta ku arko Makeup kii oo ku masaxmay” waxa aanay sheegtay in ay had iyo jeer sheekooyin dhaadheer iyo ka hadalka mawduucyo kale ku mashquulin jirtay si aanay mar keliya sheeakadooda u soo gelin arrinta Makeup ay wejiga ku ilaalinayso. Xitaa marka ay maydhanayso isaga oo Art guriga jooga waxa ay xamaamka u sii qaadan jirtay indhakuusha ay baadadka iyo indhaha ballacooda ku farsamaynayso iyo bootarrada kala duwan, waxa aanay marsan jirtay iyada oo aan xitaa timaha qallajin ama dibadda u soo bixin si ay dharka u xidhato.

Haddaba sababta Looney ku kalliftay in ay wejigeeda qarisaa waa iyada oo doonaysay in aanu ninkeedu arkin indhaheeda oo aad u yaryaraa, maqaarkeeda oo cad-caddaan lahaa iyo baadadka indhaha oo aad u yaryaraa. Muddo sannad ah oo ay xaalkaa ku jirtay kadib, waxa uu maqaarkeedu gaadhay heer ay u sii adkaysan kari weydo, daloolada dabiiciga ah ee maqaarkuna ay awdmeen/daboolmeen, taas oo keentay xanuun, kuna qasabtay in ay runta u sheegto saygeeda.

Qof kasta oo qisada dhegeysanayey waxa uu filayey in ay dhibaato dhacdo marka uu Arty xaqiiqada arrintan ogaado, laakiin sidaas uma ay dhicin, maalin maalmaha ka mid ah ayaa iyada uu aan waxba marsanayn wejigeedii dabiiciga ahaa ay ugu timid Arty, mana ay aamusin ee markiiba u sheegtay runtii halka sano maqnayd, in kasta oo ay ka cabsi qabtay jawaab aanay jeclaysan, laakiin sidaas uma ay dhicin, Arti si deggen ayaa uu ugu sheegay in sidan dabiiciga ah ay ku qurux badan tahay, wax ceeb ahna aanu ku arkayn.

Looney oo ka jawaabaysa dhibaatada ka soo gaadhay Makeup ka badan ee ay marsanaysay ayaa sheegtay in uu maqaarkeedu lumiyey adkaysigii, iyo weliba quruxdii dabiiciga ahayd iyo dhalaalii abuurka ahaa ee maqaarka wejiga.