Hal-Ku-Dhegyo Iyo Hadallo Xikmadaysan Oo Caalami Ah

0
8711

1. Fariid ma’ihi, laakiin waa aan fiiro-dheerahay. Dad badan ayaa arkay tufaax geed ka soo dhacaya oo aanay macno u samayn, laakiin Newton oo keliya ayaa naftiisa weydiiyey, waa maxay sababta ay dhulka ugu soo dhacday. (William Hazlet)

2. Saaxiibbo dhab ah ma heli kartid inta aad ka baqanayso in aad cadow yeelato. (William Hazlet)

3. Xaqiiqada indhaha laguma arki karo ee qalbiga ayaa laga dareemaa. (William Hazlet)

4. Denbiga keliya ee aan la cafiyi karin waa munaafaqadda, waayo cudur-daarka / Cafis dalabka Munaafaqa ayaaba munaafaqad ah. (William Hazlet)

5. Weligaa ha ka murugoon jacayl aad soo martay, xitaa haddii xusuus xanuun badani ku jirto. Ubaxuba marka uu qallalo ee quruxda iyo uduggu ka tagaan, qodax keliyinka u soo hadho, ha illaawin in maalin maalmaha kam id ah aad udug wanaagsan iyo farxad ka heshay (William Shakespeare)

6. Aqoonyahanku waa ruuxa maalin kasta dib u eegis ku sameeya naftiisa ee la xisaabtama, mar kasta oo noloshiisa wax iska beddelaanna dib u eega xidhiidhka uu la leeyahay dadka iyo dunida. (Shakespeare)

7. Fulaygu waa uu dagaallamaa, marka uu waayo meel uu u baxsado. (William Shakespeare)

8. Muhiim ma’aha cidda bilowga hore wanaagsani, balse waxaa muhiim ah cidda wanaaggeedu la dhammaado. (William Shakespeare)