Hal-Ku-Dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalamiya

0
11413

1. Ha ku ciyaarin shucuurta dadka kale, waa suurtogal in aad ciyaartaa ku guulaysato (Ka gaadhay danta aad ka lahayd ) laakiin khatarta ka dhalanaysaa waa in aad qofkaas weydo. (William Shakespeare)

2. Qofka doonistiisa sharci ka dhigaa, sharci la’aan ayaa uu dhacaa. (Shakespeare)

3. Haddii aad doonayso in aad goyso qof aad jeceshay ama saaxiibkaa, dhaawac ha kaga tegin.. Qofka qalbigiisa ina siiyey, innagama mudna in aynu waran ku taagno ama ilbidhiqsi uu murugoodo sabab u noqonno..  Maxaa ka fiican in qof aad kala tagteen in xusuustiinna uu ku hadho waqtigii fiicnaa ee aad soo wadaagteen. (Shakespeare)

4. Toban hab oo aad jacayl ku kasban karto: Dhegeyso, Hadal, bixi, Xidhiidhi, jawaab, Wadaag, raaxayso, Ku kalsoonoow, Cafi, ballan-qaad. (William Smith, jilaa ka tirsan Hollywood)

5. Cadowga Xorriyaddu ma murmaan, balse waa ay qayliyaan oo ay rasaas ridaan (Dagaalamaan)  William Ralph Inge.

6. Dadka oo dhan jecloow, dad yarna ku kalsoonoow, cidna xaqa ay kugu leedahay ha ku xad-gudbin. (William Shakespeare).

7. Qofka wanaagsani waa ka mar kasta garanaya qiimaha waxa aad siisay leeyahay, xitaa haddii uu wax yar yahay. (William Shakespeare)

8. Haddii laba ruux faras keliya wada fuulaan, waa qasab in midkood uu dambeeyo. (William Shakespeare)

9. Marka ay baddu deggen tahay bad-maaxyadu waa wada xariifiin (William Shakespeare)

10. Marka aad go’aan gaadho, ee aad bilowdo fulintiisa, waxa keliya ee kuu muuqdaa ha noqdo in aad natiijo ka gaadho, wax kasta oo taas ka sokeeyana dan ha ka gelin. (William James)