Hal-doorka Somaliland Oo Xalay Ka Qayb Galay Munaasibad Loo Sameeyay Xuska Sannad Guurada 11aad Ee Geeridii Cigaal

0
472

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Sanad guuradii 11-aad ee ka soo wareegtay geerida maruun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ayaa munaasabad xus ah loogu qabtay magaalada Hargeysa.

Mahadnaq

Waa xus, waa xusuus waa xaq iyo xurmo ay inugu leeyahiin intii dal iyo dadba u soo dhaamisay inaga oo u kala horu marinayna sidii ay inuugu kala adeegeen ee ay inuugu kala harag baxeen, xuska noocan ah waxaynu uga jeednaa in da’dyartu ay hesho cid ay ku hirtaan ay ku daydaan oo noqda hir la hiigsado, hal ku dhigyadan soo socda waxaan ka soo xigtay buug qabyo ah oo uu qoraayo Maxmaed Faarax oo uu ka diyaariyay khubadii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal”

Xaaji Cabdikariin Waraabe

“ Waxa  uu ahaa nin qaali ah, waxa uu ahaa nin aan dhib lahayn oo dadka anfacay, waxa uu ahaa raga aasaaska u ahaa dawladnimada ( Ragna dhuunibuu kuu dhex jooga ragna dhaqasho kuugu dhabar jabay ) ayaa hore loo yidhi, alle waxaan ka baryayaa inuu janada  geeyo. Waxa la doonayaana in lagu daydo, waynu ognahay habka uu u dhigay dawladnimada waana mid uu aqoon u lahaa, nin habka dawladnimada iyo nabadgalyada aqoon u lehna waa uu ahaa. Kursiga hadii aad u gasho dhaqasho macno ma laha hadaad magac ku doontana maalkana waad iska heli, caawa maan u soo kaceen tacsi aan ahayn ta Cigaal.”

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore

“ Waxaynu odhan karnaa taariikhu iyada ayaa is qorta Cigaal marka aad eegto sida ay Somaliland taariikhdeeda isugu tidcan yahiin waa qofkii ugu mudnaa ee la xusi lahaa. Inta aan ka xasuusto waxa uu ahaa nin qoys,qabiil iyo reer aan loogu kala dhawayn, taasi waxay u tahay inuu ahaa hogaan lagu soo hirto, markhaati ayaan ka ahaa oo wasiir la soo shaqeeyay ayaan ahaa, waxa uu ahaa masuulkii ugu qabyaalada yaraa ee aan abid la soo shaqeeyo, waan u hanweynahay in umaddu ay xasuusatay oo ay xusayso.”

Cabdicasiis  Maxamed Samaale

“ Cigaal waxa uu ka mid ahaa halyeeyada geeridooda laga naxay, waxa uu ahaa dadka raadka wanaagsan ka tagay, Somalilandna dhidibada ayuu u taagay, waxa uu aas aasay xisbiyada maanta tartamaaya ee xilka isu dhiibaaya, madaxweyne Cigaal waa in aynu u ducaynaa waxii uu dhisayna aynu laalinaa.”