“Haddii Uu Madaxweynuhu Doonayo Inuu Guddi Mus-danbeed Ah Magacaabo Markaas Ha Qabto Doorasho Uu Minxiis Ka Yahay”

0
594

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada kana  tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu si  adag uga soo horjeestay guddiga mus-danbeed ah ee uu madaxweynuhu sheegay inuu u samaynayo guddiga doorashada.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramay wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu isagoo ka hadlaya sahaminta shidaalka wuxuu yidhi  “Ciyaarta Kubada Cagta marka la ciyaarayo, Ciyaartooygu marka uu galo haaf sayadh (half side), labada calan wade ayaa qabta, Siidhi-waduhuna siidhiga ayuu afuufa, haddii uu Ciyaartooygu markaas iska sii wato kubada ama ciyaarta waa la ganaaxa, laakiin Siillaanyo waa ninkaas siidhigu ku dhacay, ee sharcigii baalmaray, ee iska sii wata kubada, Haamihii baynu ogeyn oo Goluhu laalay oo wuu iska sii watay, arintan Saldhiga laba Gole ku sheegu ansixiyeena oo aanay meelanaba Guurtidu ka soo galayna wuu iska watay, heshiisyo caalamiya oo uu Golaha hor keenayna ma jiraan, arinta Shirkadaha Shidaal baadhistuna waa xaaran oo waa sharci daro, waana uu iska sii wataa, markaas haddii la leeyahay ninkaas labada calanwade iyo siidhiwadaha maqli waayey ee kubada iska sii watay guul iyo horumar buu gaadhay, ha iska haysto, ee waxa kale oo maanta la eegay halka ay Bulshada reer Somaliland masiirkeeda iyo mustaqbalkeeda uga wareegayso, Shirkadahan Shidaalka baadhaya sharci daro ayey ku baadhayaana, waana ceeb balse Madaxweyne Siillaanyo iyo guruubkiisa ceeb kuma aha”.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, mar uu ka hadlaayey Guddidan la sheegay inuu Madaxweynuhu magacaabaya ayaa yidhi “Komishanka Guddi nus dambeed la yidhaahda oo sinaba ula shaqaynayaa ma jiri karo, ee haddii uu Madaxweynuhu doonayo inuu Guddidan magacaabo markaas ha qabto Doorasho uu Minxiis ka yahay, hana caddaysto Madaxweynuhu inuu doonayo  Doorasho uu minxiis  ka yahay, talaabooyinkan ay Xukuumaddani dhaqanka ka dhigatayna waa talaabooyinkiii ay Beesha Caalamku meesha kaga yaaceen, laakiin xaqiiqo ahaan waxa Madaxweynaha looga fadhiyaa madaama uu tanaasulay Doorasho xor iyo xalaal ah, waxaana Madaxweynaha xasuusinayaa in Doorashadii Golayaasha Deegaanka xanuunkii ka dhacay wali bulshadu xasuusan tahay, ee Madaxweyne faraha kala baxa hawlaha Komishanka, oo faraha ha la gelin arimaha Doorashada”.